Hargaysa (HP): Xubno guddi ah oo ka tirsan golaha Guurtidda Somaliland oo dhawaan loo saaray ka soon tallo bixinta xeerka liisamadda ganacsiga Somaliland ayaa maanta kulan la yeeshay guddoomiyaha rugta ganacsiga.
Sidoo kale guddigaasi waxay kulan la yeesheen gar yaqaanka guud ee qaranka oo isna ka mid ah haayadaha uu shaqadoodda soo gelayo xeerka liisamadda ganacsigu.
Xeerka liisamadda ganacsiga oo dhawaan la hor keenay golaha Guurtidda Somaliland waxaa soo diyaarisay wasaaradda ganacsiga Somaliland.
Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta golaha Guurtidda ayaa markii uu soo dhamaaday waxaa warbaahinta uga warbixiyay xidhibaan Cumar Nuur Rayaale, oo guddoomiye u ah guddigaasi.
Waxaanu yidhi, “Waraysi fiican ayaanu ka qaadnay, si fiican ayaanay noogu warameen. Wixii anaga naga dhinaa, waanu ka buuxsanay.
Muhiimadda meesha taallaa, waxa weeyee sidee la isku waafajinayaa xeerka iyo ummadii lagu dhaqayay”.
Geesta kale xeerka liisamadda ganacsiga ayaa ah xeer muhiim ah, kaasoo ka hadlaya qaybaha kala duwan ee ganacsiyadda sida soo dejinta, dhoofinta iyo kala-xadaynta in qof walba loo qiyaaso iyo cashuuraadka ku waajibay iyo cida liisanka xaq ugu leh.
Sida uu sheegay guddoomiyaha rugta ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid, oo ka warbixinayay kulankaasi ay la yeesheen guddiga ka tirsan golaha Guurtidda.
Waxaanu ka warbixiyay kulankaasi iyo waxyaabihii ay kaga wada hadleen, “Aad iyo aad ayaanu ugu mahad naqaynaa golaha Guurtidu, in ay noo yeedhaan sababtoo ah, waxaanu nahay cid ay khusayso xeerka liisamadda ganacsigu” ayuu yidhi Jamaal Caydiid.
Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Waa xeer muhiim ah, oo liisamadda iyo ganacsigaba u muhiim ah. Laga bilaabo, ilaa soo dejinta, dhoofinta iyo kala-xadaynta, in qof walba loo qiyaaso iyo cashuuraadka ku waajibay iyo cida liisanka xaq ugu leh”.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.