Waxa i soo gaadhay qoraal kooban oo uu sameeyey Khaalid Jaamac Qodax oo ah walaal qalinleyda la bah ah – u na diran Af uu halaag iyo qaran-jabkii Soomaali ku dhacay raaf-dillaaciyey. Afka Soomaaliga, sagaal sano ka hor waxa la gu daray Afafka korniinku ka joogsaday, hagaas libdhaya ee quruumihii nafaqo kobcin lahaa miyir doorsoonka xarbul ehliga ahi maan-gatay, ee Alle magane ay qoloba qolo kale gol-jilicda ka qaniinsan tahay.
Af waayo hore qani ahaan jiray, dhawaanahan se hiil waayey oo xilkasnimo-darro inta uu baylahay maan-yarihiisu waayo-aragnimo la’aan isaga oo garasho ciillan ku dul botoriyey. Af ciddii uu magansan lahaa, gargaar iyo garab siin ha joogto e, cilladi heshay, qalladi ku dhacday oo qaxar wayraxday – hubaal na hadimadeeda ku farxad wiyirsaneysa, oo nabarrada ku yaal iyo qoonta miirdillaaca ah ee dheecaan qaraxday aaney damqin.
Af aqoonyahankeedii ka xarragooday oo erayo daymaysan, ammaah gurrac ah oo ‘Ingiriis garayntu halbeeg u tahay’ ku af-rogay. Af reer Aal-Sacuud iyo Khaliij la ga ga soo duulay oo axaadiis saxeex laawe-yaal ah inta la gu fadhataystay diin lacagi waddo la gu xabaal nolollinaayo. Af dawladnimo la ga irdheeyey, in tiraabtiisu fagaare ka yeedho na badownimo iyo tabnaanshiyo loo gu tuhun qabo darteed loo weheshi diiday.
Afka sidaa u rubad go’ay ee daranyadu hoy ka dhigatay nimanka ku gorfeyn iyo falcelin loolamay in aan mid u idhaa gobanimo ayaan u arkay. Walow buugga gorfeyntu ku socotay aanan akhriyin, walaalka qoray na aanan garasho u lahayn haddana in aan gardaroodo oo gef hubsiino la’aaneed la gunuunuc muusoodo mus iyo magan Alle ayaan ka hoos galay.
Ma lihi walaalka buugga qoray ayaa Afkan goblanka ah gondaha jaray oo geeri la damcay. Ammuurtaa cakiskeeda ayaan qabaa. Waayo falcelintiisii waxa aan ka dheehday in uu qoraagu garasho buuran yahay, ogaal fog yahay, miisaan culis yahay, sabbayn diid yahay oo deganaanshiyo iyo dulqaad aqooni hagtay ahi salka dhulka ugu hayo. Inkasta oo falcelintiisa daal door ahi ka muuqdo oo aaney daroorimo yareyn, haddana sidaa soo ay tahay edebta is-daafaca iyo tirsiga qoraal quruxsami kaamil ayey ka ahayd , deelqaafna kuma jirin.
Wax se aan Khaalid si gaar ah ugu bogaadiyey oo qoraaga buugguna (Cabdinaasir) ii ga markhaati kacay ayaa jira; waa in gorfeyntu ay hiil u tahay buugga, qoraha, akhristaha, aqoonta iyo afka la gu qoray intaba. Waa intaa inta faa’ida keenka ah ee dhan walba uu hiilka ahi. Waa sidaa sida aan gorfeynta buugga hiilka aan qarsoodiga ahayn ugu hibaynayo ee aan Khaalid qalinkiisa u hor hambalyeynayo.
Afku waa aalad (instrument) aan keliya la isku dhawaaq/qoraal fahmin, se quruumuhu ku kala abtirsadaan oo baadisooc u ah isirrada aadanaha. Waa aaladda la gu fekero, xadaaradda ummadaha la ga unko, wax la gu curiyo, ee dhaqan yagleelka ah. Hadba sida loo naaxnaaxiyo ayey ab iyo isirka ku hadla ay ugu hiilisaa oo u sad iyo manfac korisaa.
Afka Soomaaliga waxa ku hadla qoom maanta kala qaran ah (Itoobiyaan, Jabuutiyaan, Kiiniyaati iyo labada Soomaalinimada ku soo hadhay se midnimada ku dad qalatoobay). Tiro ahaan ma yara oo shan iyo labaatan milyan ayaa la gu qiyaasaa, maamul ay leeyihiin Afkood uma hiisho, hanti ay leeyihiin ma gargaarto, waxa keliya ee uu ku baxsaday Afkaa daranyoobay waa midhadh heeso iyo tixo ah kuwiina wadaad seef la bood ah ayaa xaraan xarrimay.
Afkan suuryada iyo surinkaa oodan surka kula jira, ayuu Khaalid hiil u la sarakacay, Cabdinaasir na qalinka u qaatay. Gorfeynta iyo falcelinta labada walaal midba halkiisa ayaan ku bogaadinayaa, waano faristayduna waa saxa iyo qaladka oo la kala saafo iyo surimaha oodan oo Afka hooyo la ga samatabaxsho.