Goobjoogayaasha caalamiga ah oo la kulmay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland

0
1406

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday, goob-joogayaasha caalamiga ah ee goobjooga ka noqonaya doorashooyinka Somaliland ee isku sidkan ah ee Madaxtooyada iyo ta axsaabta qaranka ee dalka ka qabsoomaya 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka.

Saraakiisha goobjoogayaasha ah, ayaa waxaa hoggaaminayay madaxa goob-joogayaasha Mr Tim Cole, isla-markaana ay wehelinayeen Mr Paco Cobos, Mr Bartek Lech, Conrad Heine iyo Mrs Sandi Gale.

Ugu horayn Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa weftiga soo dhaweeyay ugana mahad-celiyay booqashada ay ku yimaadeen Maxkamadda Sare iyo doorka toolmoon ee ay ka qaadan doonaan doorashooyinka.

Kulanka ayay Guddoomiyaha iyo weftigu iskula gorfeeyeen habsami u socodka doorashooyinka isa-saarka ah ee Madaxtooyada iyo axsaabta qaranka ee 13 November 2024 loo dareerayo, caqabadaha laga soo gudbay iyo sida ay ahmiyad weyn u leedahay in doorashadu u qabsoonto si hufnaan leh.

Guddoomiyaha maxkamadda sare, ayaa weftiga goob-joogayaasha warbixin qoto dheer ka siiyay, sooyaalka doorashooyinka dalka iyo marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen laga soo bilaabo doorashadii Golaha Deegaanka ee sannadkii 2002-dii, doorashadii Madaxtooyada ee 2003-dii, Doorashadii Golaha Wakiillada ee 2005-tii, doorashadii madaxtooyada ee 2010-kii, doorashadii Golayaasha deegaanka iyo ururada ee 2012-kii, doorashadii Madaxtooyada ee 2017-kii, doorashadii golayaasha deegaanka iyo Wakiillada ee 2021-kii iyo doorashada haatan ee 2024-ka ee Madaxtooyada iyo axsaabta Qaranka iyo doorka ay mar kasta Maxkamadda Sare kaga jirto.

Dhinaca kale, guddoomiyaha ayaa xubnaha weftiga uga xog waramay sharciyada dalka iyo sida loo xaliyo cabashooyinka salka ku haya arrimaha doorashada.

Saraakiisha ka socday goob-joogayaasha caalamiga ah, ayaa sheegay in ay soo dhawaynayaan warbixinta balaadhan ee ay helleen, iyagoo sheegay in ay wax ka tari doonto hawsha goob-joogenimo ee ay u yimaadeen.

Waxaana ay soo jeediyeen in ay ka wada xidhiidhaan kolba halka hawluhu marayaan, guddoomiyuhuna waxa uu tibaaxay in uu diyaar u yahay wixii ay uga baahdaan.

Ugu danbayn guddoomiyuhu waxa uu xubnaha weftiga goob-joogayaasha caalamiga ah uga mahad-celiyay doorka shariifka ah ee ay kaga jiraan hab-sami-u-socodka doorashada dalka ka qabsoomaysa 13 November.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here