Golaha Wasiiradda Somaliland Oo Shir Aan Caadi Ahayn Ku Ansixiyay Xeerka Diwaan Galinta Muwaadinta iyo Codbixiyeyaasha,kana jawaabay Walaaca Mucaaradka

0
966

igad 32Hargeysa (HargeisaPress) — Golaha Wasiirada Somaliland ayaa Salaasada Maanta ah Shir aan Caadi ahayn ku yeeshay Aqalka Madaxtooyada. shirkaasi oo Madaxweyne Axmed Siilaanyo Shir gudoominayay ayaa lagu Ansixiyay Xeerka Diwaan galinta Codbixiyeyaasha iyo Muwaadinka.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul oo faahfaahin ka bixiyay Xeerkaasi ayaa yidhi “Shirka aan Caadiga ahayn ee Maanta oo Salaasa ah la iskugu yimid wuxuu ku saabsanaa Arin aad u muhiim ah oo dedejinteeda iyo hawl fududaynteedu muhiim u noqonayso socodsiinta hawlaha qaranka waliba dhinaca doorashooyinka.kulankaasi maanta waxaa lagu ansixiyay Xeerka Diwaan galinta  Muwaadinka iyo Codbixiyeyaasha. Waa xeer muhiim ah, waa xeer ay ku xidhan tahay Doorashooyinka Dalkan ku soo fool leh inay ku qabsoomaan.Dawladdu iyadoo taas ka diyaar garoobaysa, iyadoo wax kasta oo Doorashada iyo Saaxaddaasi hagaajinaya ku dadaalaysa ayaa xeerkan Shirkaas aan caadiga ahayn loo qabtay Xubnihii Golaha wasiirada ee Shirka fadhiyayna way wada ansixiyeen, sidaasi ayaanu XUkumadda kaga soo gudbay” Ayuu yidhi Axmed Saleebaan Dhuxul

Dhinaca kale Afhayeenka Madaxtooyada ayaa ka jawaabay Walaacii Mucaaradku ka soo jeediyay qabsoomida doorashada sanadka dambe “Xukumaddani waxay diyaar u tahay in Doorashadu wakhtigeedii ay dhacdo, xukumaddani way diyaar u tahay wax kasta oo xaggeeda ku xidhan inay diyaariso,Xukumaddu Masuuliyadda qaranka iyadaa haysa.wax kasta oo Qarankeena hagaajinaya, Mushtamaceena wax u qabanaya, Caalamka waxaynu ka doonayna wax ka qabanayaan Xukumaddani iyadaa hormuud ka ah.midakale Cisho dhawayd shir bay qabteen Labada Xisbi Mucaarad iyo Qolo(Madasha wadatashiga) Meelna aan Sharciga kaga jirin, iyaga laftoodu waxay ku wada socdeen kumay haddal ee meeshii ayay macaal Cabdiraxmaan Cirro ku Eedeeyeen..waxa weeye Doorashada in wakhtigeedii la qabtaa waa diyaar, Waxaanu leenahay Doorasho aad Natiijadeeda Ogtihiin waxba ha ku soo degdegina. Arinta Xisbiyada Mucaaradka ahi waxa weeye Kulmiye igu soo daaya ha igu quustee, Kulmiye waa Kulmiye oo waad ogtihiin, waana Kulmiye oo Imikana wax qabtay..waxqabad aan qof kasta oo sida caadiga ah u xisaabiyaa aanu qiyaasi Karin Qabay”Ayu yidhi Mr  Dhuxul

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here