Xisbiga KULMIYE oo ka jawaabay hadallo kasoo yeeray xisbiyada Mucaaradka

0
785

Muuse BIIXHargeysa (HargeisaPress) — Hoggaanka sare ee xisbiga taladda haya ee KULMYE ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay hadallada kasoo yeeraya xisbiyada mucaaradka ee sheegaya in muddo kordhin ay rabto xukuumaddu.

Guddoomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in labada xisbi mucaarad iyo xisbiga kulmiye ay kala saxeexdeen in wakhtigii loogu talogalay ay diiwaangelinta codbixiyeyaasha qabsoonto, isla markaana uu madaxweynuhu hore u ballanqaaday in aanu maalin doonayn in loogu darro.

“Xeerku waxa uu siinayaa awooda diwaan gelinta muwaadinka wasaarada arimaha gudaha, waxaana lagu booriyey wasaaradaas inay arintaas ku dhakhsato oo wakhtigii loo baahnaa Diwaan gelinta codbixiyayaasha ka hor dhamayso, waxaanu ku heshiinay inay xukuumaddu diyaariso lacagta doorashooyinka qaybta kaga soo hagaagaysa oo la balan qaaday kuna jirta miisaaniyada, dawladana saacad kasta laga rabo, markii aanu intaas dhamaynay ayaa qolada mucaaridka ah iyo qaadhaan bixiyayaasha oo ay dhagta wax u saareen waxay nagu yidhaahdeen idinku xisbigii Kulmiye ayaad tihiin oo xukuumad ma tihidin dadkuna madaxweyne ayuu doortay oo awoodaas leh ee saxeexa madaxweynaha keena, waanan u keenay saxeexihii madaxweynaha, wax laysku khilaafay iyo wax shakiya oo arinta doorashooyinka ka dhaxeeyey sadexda xisbi iyo daneeyayaasha ma jirin”ayuu yidhi gudomiyaha xisbiga kulmiye Muuse Biixi.

Waxaanu intaas ku daray. “Saxiibaday labada gudoomiye ee xisbiyada iyo aniga si daacad ah ayaanu uga wada soconay arintaas noomay yeedhin KULMIYE ahaan, ma oran waxaas ayaanu dareenay ee maxaa soo galay waa taynu wax isku ogayne, shalay ayuunbaa eed culus la soo tuuray, waxaanu leenahay sidii madaxweynuhu ka yidhi labada gole hortooda in maalin dhaafto ma ogolin, sidii aan idiinla saxeexday heshiiska ayey doorashadu halkeedii noogu taagnayd, shalay markii warku soo baxayna madaxweynaha shir ayaanu ka yeelanay arintaas waxaanan ku idhi madaxweyne ma wax tuhun ah adigaa ayaa wax laga dareemay, waxaanu igu yidhi aniga waxba laygama dareemine ma adiga ayaa lagaa dareemay, waanu isa soo waraysanay meel arintaas nalooga nisbeeyo oo aanu ka caga jiidayno ma jirto.”

Sidoo kale, waxa uu sharci daro ku tilmaamay arrinta odhanay in dawlad ku meelgaadh ah la dhiso, waxaanu sheegay in dastuurka aanay ku jirin wax layidhaa dawlad ku meelgaadh ah balse haddii ay hurnguri ka gallo xisbiyadda mucaaradka inay xukuumadda ka mid noqdaan inay soo dhoweynaayan maadaama oo horeba xubno uga tirsan WADANI ay xukuumadda ku jiraan.

“Waxa kale oo ay sheegeen in marka la gaadho bisha Decenber waxa waajib ah in la sameeyo dawlad wadaag ah, horta anigu siyaasiyin iyo sharciyan meel uu kaga jiro sharcigeena haday tahay distoorkeena iyo xeerarkeena ma hayo, siyaasadeenana kuma jiro, waxaynu nahay dal qaatay habka madaxweynaha oo dadku soo doortaan oo isagu awooda dawlada leeyahay, isla markaana uu leeyahay awooda baarlamaanka, isla markaana uu la wadaago garsoorka.”ayuu yidhi mar uu ka halayey in la dhisi doono haddii doorashadu wakhtigeedda dhici waydo dawlad ku meelgaadh ah.

Si kastaba ha ahaatee, labada xisbi mucaarad ayaa shalay soo saaray bayaan ay ku sheegayaan inay xukuumaddu ka gaabinayso in doorashaddu wakhtigeeddii dhacdo, isla markaana damacsantahay in mudadda loo kordhiyo, waxaanay ku hanjabeen in dawlad ku meelgaadh ah la dhisi doonno haddii doorashadda wakhtigeeddii la qaban waayo.

Hargeisa Press News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here