Golaha Wakiillada Somaliland oo markale diiday codsi uga yimid Xeer Ilaalinta

0
2162

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa mar kale diiday codsi uga yimid xeer ilaalinta guud oo la xidhiidhay in Xildhibaan Maxamed Abiib la xidhay isaga oo dembi faraha kula jira, isla markaana xasaanadda lagaga qaado si maxkamadda loo horgeeyo.

Fadhi ay maanta Golaha Wakiilladu yeesheen, oo ay ka soo xaadireen 47 Mudane, ayaa waxa 43 ka mid ah diideen oo laalleen codsiga iyo ogeysiinta Xeer-ilaalinta Guud oo sheegtay in Xildhibaan Abiib la xidhay isaga oo dembi faraha kula jira, waxa ka aamusay saddex Xildhibaan, halka Guddoomiyuhu aanu codayn.

Codayntan golaha Wakiillada, ayaa ah tii labaad oo uu Golaha Wakiillada ku diido xadhigga iyo in xasaanadda laga qaado Xildhibaan Maxamed Abiib oo maalintii toddobaad ku xidhan Xabsiga Mandheera ee ku yaala inta u dhaxaysa Hargeysa iyo Berbera.

Salaasadii toddobaadkii hore, ayaa Golaha Wakiilladu diideen codsi Xeer-ilaalintu ku dalbanaysay in xasaanadda laga qaado Xildhibaanka oo bishii July golahaas u soo gudbisay, waxaana codsigaas Xeer-ilaalinta lagu diiday go’aan gole.

Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha Guud ee Somaliland Cabdiraxmaan Hayaan oo golaha Wakiilladu u diray qoraal yeedhmo ah, si wax looga weydiiyo arrinta xadhiga Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa ka baaqday inuu horyimaado golaha, iyada oo qoraal uu kaga jawaabayey yeedhmada golaha ku sheegay in loo cadeeyo waxyaabaha loogu yeedhayo.

Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Siciid Mire Giire oo shir-guddoominayey fadhiga maanta, ayaa kaga hadlay jawaabta Xeer Ilaalinta Guud waxa uuna yidhi ” Xeer ilaaliyuhu xaq uma laha inuu yidhaahdo maxaynu ka wada hadlaynaa, waayo laba dawladdood ma nihin ee waxaynu nahay waaxdii sharci dejinta ee Xeer ilaaliyaha xasaanadda siiyey, inuu yidhaahdo maxaynu ka wada hadlaynaa xaq nooguma laha.

Shirguddoon ahaan waxa aanu gaadhnay in aanu xeer ilaalinta qoraal dambe ku celino” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Siciid Giirre.

Xildhibaan Maxamed Abiib, ayaa xeer ilaalintu ku soo eedaysay qodob ay ka mid yihiin qarandumisnimo, sumcad dil ciidanka ah iyo gacan siin cadowga Somaliland ka soo horjeeda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here