Golaha Wakiillada Somaliland oo kal-fadhi aan caadi ahayn la isugu yeedhay

0
1381

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa laysugu yeedhay fadhi aan caadi ahayn si ay go’aan uga gaadhaan dacwadda lagu soo oogay xildhibaan Maxamed Abiib.

Xeer Ilaalinta guud ee Somaliland, ayaa 16-kii bishan July, waxa ay dacwad xilka xayuubin ah ka gudbiyeen Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan mudanayaasha golaha Wakiillada Somaliland.

Warqad dacwad ah oo uu ku saxeexan yahay Garyaqaanka guud ee Somaliland ayay xeer ilaalintu ku codsatay in xilka laga xayuubiyo Xildhibaan Maxamed Abiib.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here