Golaha Wakiillada Somaliland oo ansixiyay xubno kamid ah Golaha Wasiirrada cusub

0
1093

Hargeysa (Hargeisa Press)- Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa maanta la horgeeyay dufcadii u horaysay ee xubnaha Golaha wasiirrada Xukuumadda Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi  (Cirro).

19 xubnood oo ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda cusub, ayaa mid mid loogu akhriyay tixraacyada heerarkooda aqooneed iyo  dukumentiyada loo soo gudbiyay Gollaha oo uu akhriyay Xoghayaha Gollaha Cabdirisaaq  Siciid Ayaanle, iyadoo xubnaha Wasiirrada mid walba uu sharaxaad ka bixiyay hawsha wasaaradda loo magcaabay ee Madaxweynuhu u wakiishay uu ka qabanayo iyo waxa uga qorshaysan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa Guddoominayay fadhiga, iyadoo ay Guddoomiye ku xigeenka  koowaad Siciid Mire Giire iyo Guddoomiye ku xigeenka labaad Cali Xaamud Jibriil heeraraha ka fadhiyaan Guddoomiyaha.

Markii la hubiyay xildhibaanada fadhiga ku sugnaa oo ahaa 66 midane waxa mid mid loogu weydiiyay Gollaha innay waajibkooda Dastuuriga ah ka gutaan.

Wasiirrada, ayaa dhammaantood goluhu codka kalsoonida oo aqlabiyad ah siiyeen, iyadoo 13 ka mid ah 19-ka loo soo gudbiyay markii mid mid loogu weydiiyay Xildhibaanada ay u codeeyeen midkiiba 65 mudane oo fadhiga xaadir ku ahaa marka laga reebo guddoomiyaha oo aan codayn.

Wasiirrada Codadka 65 mudane oo fadhiga Xaadir ku ahaa aannay jirin cid ka aamustay iyo cid diiday, ayaa kala ahaa, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda iyo Barbaarinta Ismaciil Yuusuf Ducaale. Wasiirka Madaxtooyadda Khadar Xuseen Cabdi, Wasiirka wasaaradda Caafimaadka Dr Xuseen Bashiir Xirsi, Wasiirka Wasaaradda Ciyaaraha Axmed Maxamed Faarax, Wasiirka Wasaaradda shaqada iyo Arimaha Bulshadda, Milgo Maxamed Cilmi,  Wasiirka Wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Technology-yada Jamaal Maxamed Jaamac,Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Cismaan Ibraahim Nuur (Af- gaab),  Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka Kaltuun Sheekh Xasan Cabdi, Wasiirka Wadaaradda Maaliyadda Cabdullaahi Xasan Aadan Cawaale, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiiska Cabdiraxmaan Xassan Nuux Furre, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Guddaha iyo Amniga Cabdale Maxamed Carab (Sandheere), Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Cabdullaahi Daahir Jaamac.

Shan ka mid ah 19-ka Xubnaha Wasiirrada ayaa helay midkiiba 64 –  59 Codadka 66-ka mudane , kuwaas oo kala ah, Wasiirka Wasaaradda Dawladdaha Hoose Xasan Axmed Ducaale, Wasiirka wasaaradda Deegaanka Cabdullaahi Jaamac Cismaan “Geeljire”  halka Wasiirka wasaaradda Maalgashiga Siciid Maxamed Buraale ay ogolaadeen 63, Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Dhulka iyo Guriyaynta Xuseen Axmed Caydid 63. Wasiirka Wasaaradda Gaashaan dhiga Maxammed Yuusuf Cali , ay aa isagu helay 62  cod, oo ka mid ah 66-ka  Xildhibaan ee maddasha  fadhiyeen , Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadd Cabdiraxmaan Daahir Aadan ayaa helay Codadka ugu yar , waxaana u codeeyay 59 ka mid ah 66-ka ogolaaday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here