Hargaysa (HP): Golaha Guurtidda Somaliland ayaa ka digay khatarta weyn ee ay bulshadda iyo magaalada ba ku leeyihiin Xadhkaha Korontadda ee magaaladda Hargaysa.
Waxaanay xildhibaanadda golaha Guurtidu ku baaqeen Xadhkaha Laydhka ee dhex mara caasimadda Hargaysa dhibaato balaadhan ku keeni karaan bulshada haddii ay gubtaan.
Fadhigii maanta ee golahaasi oo uu shir guddoominayay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, ayay mudaneyaashu kaga hadleen khatarta ka dhalan karta xadhkaha Korontadda ee Hargaysa, oo ay ku tilmaameen magaalo Samadda ka Miinaysan.
Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.