Golaha Guurtidda JSL Oo Gudi U Saaray Xeerka Isa Saarka Doorashooyinka

0
228

Hargaysa (HP): Mudaneyaasha golaha Guurtida Somaliland ayaa maanta guda galay doodda xeerka isa-saarka doorashooyinka oo ka soo gudbay golaha Wakiiladda.

Fadhigii saaka ee golaha Guurida oo uu shir-gudoominayay guddoomiyaha golaha Guurtida JSL Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa markii uu furay, waxa uu mudanayaasha u soo jeediyay inay wax ka badel ku sameeyaan qaar ka mid ah qodobada ku jira ajandaha kal-fadhiga 83-aad.

Intaasi ka dib mudanayaasha ayaa u codeeyay in qodobka 9-aad ee ajandaha loo soo rarro qodobka lixaad, kaasoo ka hadlaya xeerarka isa-saarka doorashooyinka.

Natiijadii codaynta xeerarka isa saarka doorashooyinka in la soo hormariyo waxaa ku dhawaaqay guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan, waxaanu yidhi
“27 ayaa ogolaaday, 16 na waydiiday, saddex mudane ayaan codaynin, guddoomiyuhuna muu codaynin, sidaas ayaanu ku ansaxay”.

Intaasi kadib waxa uu guddoomiyaha guurtidu ku dhawaaqay in ay ka doodaan xeerka guud ee doorashooyinka iyo ka ururada.

Geesta kale gudoomiyaha golaha guurtida Somaliland ayaa mudanayaasha ka aqbalay soo jeedinta Xildhibaan ee ah in guddi loo saaro xeerka guud ee Doorashooyinka iyo wax ka badelka iyo kaabista xeerka Ururada.

Waxaanu guddoomiyuhu mudanayaasha ku wargeliyay in guddi loo saarayo.

Saleebaan Maxamuud Aadan, gudoomiyaha golaha guurtida ayaa ku dhawaaqay inuu guddi u saari doono ka soo baaran degta xeerarkani horyaala golaha, taasi oo ay soo jeedinteeda lahaayeen mudanayaasha dooda ku jiray.

“Ajandaha wax baynu ka bedelaynaa saaka, kala horaynta qodobadda” ayuu yidhi guddoomiyaha golaha Guurtidda oo ka hadlayay aqbalaadda in la soo hor mariyo qodobka 9aad.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here