Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaannada aqalka Golaha Guurtida Somaliland, ayaa fadhi ay saaka yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen Xeerkii Qaxootiga iyo Barakacayaasha ee muranka xoogan ka dhex dhaliyay golahaasi.
Fadhigii saaka ee Xildhibaannada golaha Guurtida Somaliland, ayaa waxaa shir-guddoominayay Guddoomiye ku-xigeenka Golahaasi Siciid Jaamac Cali.
Waxaana fadhiga golaha ka soo xaadiray 53 Mudane oo ka mid ah 82-ka Xildhibaan ee golahaasi ka kooban yahay.
Markii uu fadhigaasi furmay, ayaa waxaa golaha laga hor akhriyay warbixintii Guddiga joogtada ah ee Golaha Guurtida.
Intaas kadib waxaa ay mudnayaasha golaha Guurtidu ansixiyeen, Xeerka Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, kaas oo muran badan dhaliyay.
Xeerkan, ayaa lagu ansixiyay Xeerka Qaxoontiga iyo barakacayaasha Xeer Lr.103/2022.
Waxaana ogolaaday 42 Xildhibaan, waxaa diiday 6 Xildhibaan, waxa ka amuusay 4 Xildhibaan, isagoona aanu Guddoomiyuhuna codayn.
Doodda Xeerkan oo mudaneyaasha ku kala qaybsameen kalfadhigii hore isla markaana sababtay inuu goluhu muddo 2 bilood ah fasax galo, ayaa qayb ka ahaa ajandaha kalfadhigan oo furmay toddobaadkan.