Hargeysa (Hargeisa Press) – Xildhibaanada aqalka Golaha Guurtida Somaliland oo saaka yeeshay fadhigoodii maalinlaha ahaa, ayaa waxaa ay dood adag ka yeesheen ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee golahaasi.
Fadhigan saaka ee ay yeesheen xildhibaanada golaha Guurtida Somaliland, oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha golahaasi Saleebaan Maxamuud Aadan, ayaa waxaa ka soo xaadiray 57 mudane.
Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland, ayaa intaasi kadib mudanayaasha ku wargaliyay inay u codeeyaan ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee uu goluhu ku shaqayn doono, iyadoona ay Xildhibaanada golaha Guurtidu ay cod gacan taag ah ku ansixiyey ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee golahaasi.
Waxaana ajandaha kal-fadhigaasi u codeeyay 52 Xildhibaan, waxana diiday 1 Xildhibaan, iyadoona ay ka aamuseen 3 Xildhibaan, gudoomiyuhuna ma codayn sidaasi ayaa ansax ku noqday ajandaha Kal-fadhiga 79aad ee golaha Guurtidu.