Golaha Dagaankee gabiley maankayga gadyee ma maansaar bay liqeen. Qallinkii: Ahmed Maax Hassan.

0
902

HargeisaPress —Tan iy intii xuumada Madaxwayne Siilaanyo la doortay waxay kor u qaaday tayadii xafiisyada dawlada.Wasaaradahii oo dhamaantood loo dhisay xarumo casriya ama dib u habayn lagu sameeyay, qaarkoodna aad yaabayso quruxda sarooyin wada dhalaalaya. Sidoo kale waxay tayaysay agabka xafiisyada ee lagu shaqeeyo.

 

Waxa nasiib daro ah in aanay la jaan qaadin shaqalah dawlada ama golayaash dagaanku intooda badani. Marka laga eego  ilaalinta saacadaha shaqada.

 

waxaan booqday Aug 2015 saddexda gobol – Gabiley, Maroodi Jeex iyo Togdheer.Waxaan ku soo arkay sifooyin badan oo isku mida marka la eego joogida xafiiska iyo u adeega bulshada oo liita.

 

Gobolka Gabiley waxa uu la wadaagaa intaa aan soo sheegay dalka intiisa kale. Laakiin waxbaa u dheer.Golaha Dagaankee Gabiley waxa uu qaaday horyaalka Mayor badalida ooy ku takhasuseen. Maalinta la doorto waa nin wanaagsan, karti leh, daacada in yar kadib ayaa durba kooxi tuurkaa u baxaysaa.

 

Todaba mayor waan xasuustaa inay ka badan yihiin mooyi oo kacdoon

Hunquri lagu badalay.

Masuuliyiin waxa soo maray qaar karti badan, nadiif ka ahaa laaluush iyo xalaalaysiga handida wadhatada laga soo ururiyay, raadkii wax qabadkooduna yaalo kamay badbaadin masiibadan danaysiga ee maamulka haysata

Wakhtigaa aan tagay ayaan booqday Dawlada hoose Gabiley maalmo fara badan iyo saacadu kala duwan. Waxa aan waayay maalin qudha oo dhamaan shaqalahu xafiiskooda ku sugan yihiin saacadaha shaqada, anoo diirada saarayay masuuliyiinta.

 

Waxa in la xuso mudan shaqaalaha hoose oo Dumarku u badan yihiin waad ka helaysaa goobtooda shaqo.

Masuulkii uugu joogida badnaa xafiiskiisa muddadaa aan darsayay(Aug 2015) in lagu hanbalyeeyo mudan waxa uu ahaa Mayor ku xigeenka Golaha dagaanka Gabiley Mr. Abdi yuusuf Daahir.

 

Saacado kooban ayay masuuliyiintu fadhiistaan xafiiska ; markaan waxa ku dul xoonsan dad fara badan oo in loo adeego sugayay, kuwo shaxaadaya, kuwo shidaal no qor leh, kuwo hawl in loo fududeeyo doonaya etc etc.

 

Waxa u badan waxa la fuliyo balamo la qabsado. Muwaadiniin sugayay in loo adeego ayaa albaabka lagu jiidhaa iyadoon hadalba la gurin.

 

Inta badan waxa lagu fuliyaa shaqooyinkii xafiisyada makhaayadaha bunka lagu cabo, baabuur dhexdii ama qayilaada.

 

Waxa masuuliyiinta iyo xildhibaanada u firfircoon yihiin makarfoonka iyo camerada oo la iska muujiyo. Hadal qof inuu yidhaahdo ku filan ayaa la iska daba maraa. Waxaana laga yaabaa in aanu xafiiskiisa fadhiisan saacadihii shaqada.

 

In badan ayaan la fadhiistay ama la sheekaystay xildhibaan G. dagaanka waxaan kala dooday side loo sixi karaa maamul xumada ragaadisay dawlada hoose. Waxaan ka dhadhansaday in ay ku mashquulsan yihiin waxa ka baxsan shaqadii loo igmaday.

 

Fiiradan gaarka ah waxaan so bilaabay sanadkii 2012 -2015, mudadaasna duruufta maamul xumadu way jirtay kolba heer ha joogee, inkastoo ay jiraan xildhibaano tusaale wanaagsan ah dadaalaya ku xiiqay isku soo dhawaynta iyo wax toosin.

 

Daad iyo dad kaa badan way ku hafiyeen waxaase loo baahan yahay in bulshadu aany daawanin ilaa inta uu kala qaybinayo iyaga.

 

Waa in loo hiiliyo inta daacada ah ee dadaalays.

Kac Gardaadi Wiil yar lama yidhaa Xaadaw gaamuray, inuu gumaradiisa dhaxlaa looga gudayaayee – Gabaygii Galaal xoor- C Dhoodaan.

 

Abwaanku wax uu tilmaamay in loo doori jiray wiilka qofka lagu gardaadinayo. Dawladnimada iyo xildhibaanka iyo hogaamiyahaba waa in la hubsadaa; dib loo eegaa sooyaalka taariikhdiisa intaan lagula dul dhicin masuuliyada.

Aan u dago biya dhaca qoraalka, faaladaa dheer waxaan isku dayay inaa bararujiyo inta xilka qaaday iyo inta u dhiibatay .

Wax baryahan danbe ku soo badanaya websites iyo TVyada is tuurtuurkii wareega hore ee ciyaarta Mayor badalida. Malaha dabaysha xagaaga ayaa kicisa waayo xiliyadaas uunbay bilaabantaa.

 

Goluhu waxay xaq iyo awood u leeyihiin inay shirarkooda ku doodaan,waxa ku saxaan kadibna ay gaadhaan go’aano ay ku fulinayaan hawshii loo igmaday.

Hadaad ka waydo dan gaara ama dan cid aad u habranayso intaad ilaahaw na astur odhan lahay waxba mayor yaan la xagxagan

Mayorka idinkaa doortay haduu waxa qaloociyo am aad dhaliisho sifa sharciya mar.

G.dagaanku waxa uu leeyahay gudiyo u magacaaban shaqo gaara waa in ay joogta u shaqeeyaan waxay qabtaan iyo talaba ay golaha hor dhigaan si loo hufo lagana midha dhaliyo.

Waxa nasiib daro ah in khilaaf shakhsi ah oo golaha dhex maray lagu aafeeyo bushadii Gobolka gabiley ee isku danta ahayd.

Waxa daayacmay dagmooyinkii gobolka oo qaarkood gobola kale miciin moodaan ama xidhiidh furtaan.

Hadaba anigu yaabayee goluhu ma kii Gobolka oo dhan matalayaa misa waa ku Magaalada Gabiley.

Waa ayaan daro bulshadii idiin dooratay inaad hogaamisaan aad qaybqaybisaan. Waxa taas u dheer inay idin ladqabayso wakhtina kaga lumo xalinta is kooxaysigiina.

Waxaan ku soo gabagabeeyay isku tanaasula Mayorka jooga  eed cod ku doorateena la shaqeeya, wixii saxid u baahana way banana tahay ee goorteeda iyo madasheeda.

Khilaafkiina soo noqnoqonayaa waxa uu raadaynayaa bulshada Gobolka Gabiley ee ul iyo diirkeed ah.

 

 

Somaliland Ha Noolaato

Ilaahaybaa mahad dhamaanteed iska leh.

01/08/16

Ahmed Maax Hassan.

Maritime & Logistic Expert.

amaaxh@gmail.com

Tel 025377817718

Djibouti

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here