Faysal Cali Waraabe Waa Gudoomiye Garab, Kaliya 50% Ucid.Qallinkii: Mohamed Gacayte

0
1036
Mohamed Gacayte.

HargeisaPress —Kadib Goaankii Guddida Diiwaangalintu kasoo saartay Dacwada Xisbiga UCID ee ku taariikhaysan 21/07/2016, Waxay Goaamiyeen in Ucid yahay Xisbi ay ku midoobeen laba Garab oo ay kala hogaaminayeen Faysal Cali Waraabe iyo Garabkii Udub ee Jamal Cali Xuseen taariikhdu markay ahayd 12/07/2012.

 

Guddidu waxay xaqiijisay Sharcinimada Heshiiska Isbahaysiga cusub ee New-ucid kaas oo dhigaya in si isle’eg loo kala qaybsado, Golaha Dhexe, Guddida Fulinta, Ergooyinka Shirweynaha iyo Guddida Qaban qaabada shirweynaha. Sida ku cad Goaankii guddida diiwaangalinta ee ku taariikhaysan 21/07/2016. Hadaba Anigoo tixraacaya Goaanka waxaan bulshada Somaliland u sheegayaa inuu Faysal Cali Waraabe yahay Gudoomiye Garab oo aan mateli karin Ucid ilaa inta uu qabsoomayo Shirweynaha loo mudeeyay inuu 45 cisho gudahood oo laga bilaabo maalintii goaanku soo baxay. Kaliya garabka uu hogaaminayo ayuu ka masuul yahay afkiisana ku hadli karaa.

 

Dhinaca kale Garabka uu Hogaaminayo Musharaxa Madaxweynaha Xisbiga Ucid Jamal Ali Hussein, Waxa Gudoomiye u ah Gudoomiye ku xigeenka 3aad Ali Yussuf (Cali guray), Labada Garab Waxa lagu amray inay soo magacaabaan 10 xubnood gudida qaban qaabada shirweynaha si isle’eg. Garabkaygu way magacaabeen 5 tii xubnood oo uu ku saxeexan yahay Gudoomiye Cali Guray, waxayna u gudbiyeen Guddida Diiwaangalinta. Waa nasiib daro in Garabka Faysal tahli kari waayeen inay keenaan 5 tii xubnood ee dhiniciisa oo haduu keeni waayo ama racfaan qaadan waayo aanu uga gudbi doono talaabada xigta ee suurtagalinaysa qabsoomida shirweynaha. Hadaba garabka faysal Waa ged lagu yaqaan inay gabi dhacleeyaan oo kolba ay meel isku qaadaan. 45 cisho oo 12 maalmood tageen baa ka hadhay is qiimayntii hogaanka Ucid si loo helo Gudoomiye buuxa oo aan garab ahayn. Shirweynaha wuxuu noqon doonaala mid lagu ansixiyo heshiisyada labada garab wixii qabyo ka ah, kaabis iyo wax ka badal lagu sameeyo xeerka Ucid iyo Hogaan Buuxa oo Xisbiga Ucid gaadhsiin kara Guul kuna shaqeeya siyaasada Xisbiga.

 

Alaa Mahad Leh.

Mohamed Gacayte

Golaha Dhexe Ucid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here