Go’aanka Maxkamada Sare Gobonimo ku Qaabila! Farriin ku socota Madaxda Xisbiyada Qaranka

0
779

Asalaamu Calaykum, Maxkamada Sare ee Dalkeena ayaa maanta Go’aan kama danbays ah oo Dastuuri ah ka soo saartay Murankii u dhexeeyay Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Xukuumada Somaliland ee ku saabsanaa xiliga la qabanayo doorashada, waxaan jeclaystay inaan Farriin u diro Madaxda Qaranka Somaliland Guud ahaan iyo gaar ahaan Madaxda Xisbiyada Mucaridka ah ee UCID iyo Wadani, waxaanan ku dhiirri gelinaya inay si gobonimo iyo Wadaniyadi ku jirto ay usoo dhaweeyaan go’aanka Dastuuriga ah ee kama danbaysa ah ee ay Maxkamada Sare ee Dalkeenu ka soo Saartay Murankii ka taagnaa wakhtiga doorashada laga qabanayo Dalkeena Hooyo.

Waxaa Hubaal ah in Madaxda Xisbiyada Qaranka iyo Gaar ahaan Mucaaridku ay Xaq u leeyihiin in ay helaan Wakhti Cayiman oo Doorasho ay Dalkeena ka dhacdo oo lagu xisaabtamo si ay Tartan Xor iyo Xalaal ah ula galaan Xukuumada, waana taas ta uu Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo uu sida aadka ah ugu hawl galay in uu diyaariyo Xilli sax ah oo Doorashada la qabto taasi oo ah mid ku Qotonta Sharci oo ay ku qanacsan yihiin Mucaarid iyo Muxaafidba.

11900017_10206896884454484_3622778684302794494_n

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxa uu Sameeyay Talaabo kasta oo uu ku Raali gelin karo Xisbiyada Mucaaridka ah, waxa uu u hawl galay inuu Golaha Guurtida ku qanciyo inay taageeraan xiligii ay ku heshiiyeen Axsaabta Qaranku, Nasiib darro taasi may suurto gelin, waxaana Madaxweynaha u furnaa oo kaliya inuu Maxkamada Sare u gudbiyo arrintan, taasoo uu u gudbiyay.

Walaalayaal waxaa loo baahan yahay in aynu dhamaanteen garab is taaagno oo aynu taageerno go’aankan kama danbaysta ah ee ay Maanta soo saartay Maxkamada Sare ee Qaranku, goaa’nkaas oo ah mid Waajib ah inuu fulo, waana go’aan aan dood danbe ka furnayn oo kama danbays ah, waxaanan u soo jeedinayaa Mucaarid iyo Muxaafidba in halkaas lagu soo afjaro murankii madhalayska ahaa ee ka jiray Dalkeena oo Gacmaha aynu is qabsano si middeysana aynu ugu wada diyaar garowno Doorasho Xor ah oo Xalaal ah oo Dalkeena Hooyo ka dhacda Xiliga sharcigan ah ee loo cayimay inay Doorashadu Dhacdo.

Ugu danbayn Cadawga Jamhuuriyada Somaliland ayay maalin Madow u tahay maanta, kuwaas oo u Rabbi tuugayay in uu Muranku xoogaysto oo uu wakhti badani inagaga lumo wax aan sakaaro ka biirsan, waxa aynu Dunida tusnay in aynu nahay Dal Dimuqraadi ah oo Sharciga ku Dhaqma, waxa kale oo aynu Muujinay inaynu nahay Bulsho Ilbax ah oo uu u dhisan yahay Qaran Jirrido adag ku taagan oo aanay ruxi karin dabayl kasta oo siyaasadeed oo soo marta. Waxaa looga baahan yahay Muwaadin kasta oo Somalilander ah, Xisbiyada Qaranka, Mucaarid iyo Muxaafidba in hore loo socdo oo dhamaanteen aynu u hawl galno Horumarinta Dalkeena iyo Gaadhista Yoolkeena Qaran ee aynu Higsanayno.

 

Somaliland ha Guulaysto.

Amb. Kaysar Cabdilaahi Maxamed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here