Somaliland: Maxbuus baa u dhintay dhaawac ka soo gaadhay rasaas uu ku riday askari booliis ah

0
955
Xarunta Xuquuqal Insaanka

Hargeysa, (HargeisaPress) — 14kii August 2015 abaaro 6:00 ilaa 6:30 arooryo Axmed Dayib Cabdi oo 22 jir ahaa waxa soo gaadhay dhaawac ka dhashay rasaas uu ku furay askari booliis ahi qol ay ku jireen maxaabiis ku xidhnaa saldhigga Ibraahim Koodbuur ee magaaladda Hargeysa, sida ay u xaqiijiyeen Xarunta Xuquuqal Insaanka dad goob joog ahaa. Sida ay sheegeen warbixinada caafimaad iyo dad goob joog ahaa, Axmed waxa ku dhacay lix xabadood. Wuxuu u dhintay 15kii August dhaawicii soo gaadhay.

Sida goob joogayaashu sheegeen, laba ka mid ah dadkii qolka ku xidhnaa ayaa gacan ka hadal dhex maray. Mid ka mid ah ayaa garaacay albaabka oo codsaday in laga celiyo ka kale. Askarigii ilaalinayey ayaa u yimi oo ku amray inay joojiyeen dagaalka dibna isaga noqday isaga oo aan furin albaabka. Dhawr daqiiqadood kadib isla maxbuuskii baa qayliyay. Askarigii ilaalada ahaa wuxuu soo hor istaagay daaqadda qolka isaga oo ku fiiqay qorigii kadibna furay rasaas. Qolka waxa ku jiray ilaa 8 qof. Axmed wuxuu huwanaa buste isaga oo hurday. Dhawaaqii rasaasta aanay filanayn ayaa argagax geliyay maxaabiistii. Dhawr daqiiqadood kadib ayay arkeen in Axmed xabadi ku dhacday. Askariga rasaasta furay waa la xidhay.

Axmed waxa booliisku ka xidheen gurigooda 10kii August abaaro 10:30 ilaa 10:45 habeenimo. Waxa lagu xidhay saldhiga Ibraahiim Koodbuur. Booliisku waxaay yimaadeen guriga ay degan yihiin qoysku iyaga oo aan wadan wax amar qabasho ama baadhis ah taas oo ka soo horjeedda qodobka 25aad ee dastuurka Somaliland.

Axmed iyo shan eedaysane oo kale ayaa la horgeeyey maxkamadda 13kii August. Waxa maxkamaddu amartay in lagu sii hayo saldhiga kadib markii uu sidaas codsaday madaxa baadhista saldhigga Ibraahim Koodbuur. Wax eed ah looma gudbina maxkamadda. Balse waxa booliisku u sheegay inay u xidhan yihiin inay ka qayb qaateen isku soo bax la sheegay inuu ka dhacay xaafadda Jigjigayar 10kii August kaas oo ku lid ahaa dhacdo kale oo booliisku rasaas ay rideen uu ku dhintay wiil 12 jir ah, ayna ku dhaawacmeen sadex kale. Balse way diideen inay wax lug ah ku lahaayeen dhacdadaas.

Kadib markii uu dhintay Axmed, waxa shantii kale maxkamaddu xorriyadooda u soo celisay 16kii August iyada oo aan wax eed ah lagu soo oogin.

Axmed wuxuu ka soo jeedaa qoys danyar ah oo degan guri jiingad ka samaysan oo ku yaal xaafadda Jigjigayar ee magaalada Hargeysa. Ma jirin wax dacwad ah oo loo hayey ee waa la iska soo xidhay. Waa in dib u habayn lagu sameeyo booliiska islamarkaana loo tabobaro si waafaqsan dastuurka Somaliland iyo halbeegyada dimoqraadiga ah.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay ficilada booliiska, waxayna ku baaqaysaa in la sameeyo baadhitaan madaxbanaan oo dhex dhexaad ah.

 

Guleid Ahmed Jama

Gudoomiyaha Xarunta Xuquuqal Insaanka

Email: dafac02@hotmail.com am hrcsomaliland@gmail.com

Website: www.hrcsomaliland.org

Hargeisa Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here