General Doolaal: Waa Wax Aan I Qaban In La Yidhaa Xamar Buu Doonayaa oo Munafaqad La Ii Dhigo

0
1796

Burco (Hargeisa Press) – General Jaamac Maxamuud Doolaal oo ka mida saraakiisha Milateriga Somaliland, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Waxaa generaalka halkaasi ku soo dhaweeyay siyaasiyiin, aqoonyahan, madax-dhaqameed, dhalinyaro, haween iyo dadweyne kale.

General doolaal, ayaa waxaa dhawaan laga sii daayay xabsiga weyn ee magaaladda Hargeysa kadib markii maxakamadi ku xukuntay 2 sano oo xadhig ah.

Sidoo kale, General Jaamac Maxamuud Doolaal oo soo dhaweynta kadib la hadlay dadweynaha magaaladaasi, ayaa ka waramay xadhigiisii iyo sababihii lagu xidhay.

Geesta kale, Generalka, ayaa sheegay in uu u soo dagalamay xornimada Somaaliland oo ay 16 xabadood ku yaalaan oo 4 jeerna miino la kacday, waxaanu sheegay in aanu ogolayn in munafaqad loo dhigo oo la yidhaa Xamar buu doonayaa.

Waxa kale oo uu sheegay in layskala xisaabtami doono Haween uu sheegay in uu dawaday iyagoo ul lala dhacayo islamarkaana jeelka lagu gurayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here