Falanqayn kooban.
Geeska waxa ka socda shaqo wayn oo runtii saamayn togan iyo mid tabanba ku yeelanaysa Somaliland.
Dhinac waa fursad (Opportunity), dhinacna waa khatar (risk), labadaba waxaa go’aamin doona doorkeena, siyaasadeena, qorshaheena, istaraatijiyadeena , iyo sida aan ciyaarta u ciyaarno.
Xeeldheerayaashu waxay leeyihin Maraykan (US) iyo Israa’iil (Israel) oo wada jira ayaa raba in Dalalka kulaalaya badda cas si gaara Somaliland iyo Somaliya ay ka samaystaan mid ka mida saldhigyada milatariga (Military base) ugu wayn Aduunka oo qaadaya ilaa 50,000 oo askari.
Maxaa keenay saldhigan?
07 bishii ina dhaaftay ee Maarso (07/03/2025) ayaa Madaxwayne Trump waxa uu waraaq u diray hogaamiyaha ugu sareeya Iran taas oo uu ugu sheegay in Maraykanku diyaar u yahay in uu wadahadal kale yeesho arinta Nukliyeerka (Nuclear) Iran oo la aaminsan yahay in uu marayo heer gabogabo ah.
31 bishii ina dhaaftay ee Maarso (31/03/2025) ayaa Madaxwaynaha Iran Masoud Pezeshkian waxa uu ka soo jawaabay warqadii Madaxwayne Trump isagoo si cad u diiday dalabkii ahaa in Iran ay wada-xaajood ka gasho arinta Nukliyeerka (Nuclear).
Intaa wixii ka dambeeyey waxa soo baxay in Maraykanka iyo Israa’iil oo wada jiraa ay qorshaynayaan in xoog lagu muquuniyo Iran.
Markaykanku wuxuu saldhigyo milatari ku leeyahay Dalal dhowr ah oo xad si uun ula leh Iran (Ciraaq, Kuwayt, Baxrayn, Qadar, Imaaraadka, iyo Cumaan) sida ka muuqata jaantuuska hoose.
Xulafada ugu wayn ee Iran maanta waa Xuutiyiinta ka dagaalanta Yaman (Yeman) oo Maraykankuna mudooyinkan u dambeeyey aad u duqeeyey.
Hadaba Maraykan iyo Israa’iil oo wada jiraa waxay qorshaynayaan in la helo saldhig milatari oo aad u wayn oo ku yaala xeebta dheer ee marin biyoodka badda cas si gaara ah Somaliland ama Somaliya, si qorshahaasi dagaal ee ku aadan Iran iyo Xuutiyiintu u noqdo mid midho dhala.
Warku ugu muhiimsan waa in Hogaamiyaha Iran uu xidhiidh la soo sameeyey Madaxwaynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle isagoo uga digay in saldhiga milatariga ee Maraykanka ee Jabuuti laga soo maleego wareero lagu soo qaado Xuutiyiinta iyo Iran, haday dhacdana Jabuuti aanay mahadin doonin.
Afar cisho ka hor Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele ayaa u yeedhay dhigiisa Somaliya Xasan Sh. Maxamuud, wuxuu kala hadlay arintan in Markaykan iyo Israa’iil oo wada jiraa rabaan in ay soo dagaan Somaliland ama Somaliya.
Xasan iyo Ismaaciil labadooduba hal mid way ka midaysan yihin in aan Somaliland helin fursad ay toos isu gaadhaan Maraykan iyo Israa’iil oo meesha laga saaro doorka Somaliland iyo muhiimada bogcada ay ku taal.
Dhinaca kale-na labadooduba way ogyihiin in uu jiro dhaqdhaqaaqyo ka socda Maraykan oo ku aadan arinta Somaliland, taasi labadooduba way ka dagaalamayaan waana mid ka mida ah waxyaabaha laga wada hadlay sidan xogta ku helayno.
Madaxwayne Ismaaciil wuxuu doonayaa in uu saddex shimbirood hal dhagax ku wada dilo, mida kowaad waa in uu Maraykan ka ilaaliyo in aanu ka weerarin xuutiyiinta iyo Israa’iil saldhiga Maraykanka ee Jabuuti oo horeba Jabuuti way u diiday, mida labaad waa in uu Maraykan iyo Somaliland kala ilaaliyo, ta saddexaad waa in haddii Maraykan iyo Israa’iil ku adkaystaan in ay helaan saldhigaa milatariga laga siiyo Koonfurta Somaliya oo isagu u arkayo in khatarta (Risk) laga fogeeyo Jabuuti loona leexiyo (Shift) Koonfurta Somaliya oo isagu u arkayo in danaha Jabuuti waxba yeelayn.
Innaga hadaba maxaa la inagga rabaa?
Ilaa hadda marka xaqiiq aynu ka hadalno ma muuqdo doorkeenii, waxaa dhacaya oo dhan waa dagaal ka dhan ah danaha Somaliland, laakiin Wasaaradeenii Arimaha Dibada waxaad moodaa in ay seexatay oo waxyaabo aan muhiimad wayn lahayn ay ku mashquulsan tahay.
Maanta fursad wayn baa ina hortaala, isbadalkii ka dhacay Maraykan waxad moodaa in uu inoo furay fursad cusub. Dhinaca kale sidan xogta sare idinkula wadaagay waxa jira in fursadaasi inagu rogmi karto oo khatar inaggu noqon karto.
Xasan iyo Ismaaciil shaqada ay wadaan waa in meesha la inagga saaro, haddii ay ku guul daraystaan waxa u qorshaysan in ay khatar ina geliyaan oo ay inaggu soo jiheeyaan Xuutiyiinta iyo Iran oo la inooga dhigo cadow jaajuus u ah Maraykan iyo Israa’iil.
Innaga waxa la inaga rabaa in Wasaaradeena Arimaha Dibadu si dhow ula socoto oo daraasayso waxa socda, waa in ay yeelataa miis (Disk) arintan si gooni ah ula socda oo mar walba farsamadeeda
diyaariya.
Soo Jeedin:
Arintani waxay u baahan tahay falanqayn, talo, iyo in si dhow loo darso oo xeeldheerayaasha aqoonta u leh la siiyo fursad.
Madaxwaynaha Somaliland waxan u soo jeedin lahaa laba talo;
1. In uu dagdag u magacaabo guddi ka shaqaysa arimahan si gaara in gudidaas loo qaabilsiiyo arimaha Somaliland iyo Maraykan. Gudidani waa in ay noqotaa mid ku haboon aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba.
2. Madaxwaynuhu waa in uu ku noqdaa Wasaaradda Arimaha Dibada masuuliyiinteeda oo uu u soo magacaabaa dad aqoontoodii leh.
Hawsha Geeska ka socotaa ama way ina jiidhi ama waynu ka faa’idaysan, waxayna ku xidhnaan doontaa sida Dawladeenu u ciyaarto kubada.
Aynu dhowrno ayaamaha.