“Garan maayo goorta ay danbi noqotay in la casuumo ciyaartooyga Gabiley…” siyaasi Bookh

0
444

Gabiley (HP): Xoghayaha goboladda iyo Degmooyinka u qaabilsanxisbiga Waddani ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in wasiirka Isgaadhsiinta, iyo maayarka Gabiley ay ka joojiyeen casuumad uu u fidiyay ciyaartooyga gobolka Gabiley.
Siyaasi Maxamed C/laahi Jaamac (Bookh), waxa uu sheegay in u jeedadda uu ka lahaa casuumadda kooxahaasi ciyaartooyga ah ay ahayd mid uu ku dhiiri gelinayay kooxahaasi dhalinyaradda ciyaartooyga ah.
Hase yeeshee casuumadaasi markii ay bilaabmi lahayd casuumadaasi oo ahayd Casho uu ku maamuusay dhalinyaradda ciyaaraha in ay ku soo war geliyeen in loogu hanjabay in haddii ay casuumadaasi tagaan in mushaharka ay dawladu siiso laga jari doono.
Amarka joojinta Cashadaasi ayaa Siyaasi Maxamed C/laahi Jaamac (Bookh), uu ku eedeeyay in ay ka danbeeyeen wasiirka Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland C/weli Suufi, iyo maayarka degmadda Gabiley.

Xoghayaha goboladda iyo Degmooyinka u qaabilsanxisbiga Waddani, oo saxaafadda kula hadlay magaaladda Gabiley ayaa maayarka Gabiley iyo siyaasiyiin kale oo muxaafid ah ku eedeeyay in ay kala qoqob iyo cadaawad ka dhex wadaan bulshadda Gabiley.

DAAWO: Shir Jaraa’id ee Siyaasi Maxamed C/laahi Bookh:


Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here