Garabka Haweenka Ee Xisbiga KULMIYE oo Madaxweynaha Uga Mahadnaqay Hirgelinta Doorashadii Isku-sidkanayd

0
1315

Hargeysa (Hargeisa Press) – Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE, ayaa munaasibad balaadhan ku qabtay magaalada Hargeysa.

Munaasibadan oo ay soo abaabuleen Garabka Haweenka heer Qaran ee xisbiga KULMIYE,ayaa waxaa ay ejeedkeedu ahayd hambalyo iyo mahadnaq ay u dirayaan Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Waxaanay Madaxweynaha uga mahadnaqayeen doorkiisii hirgelinta doorashadii Isku-sidkanayd ee Golayaasha Wakiillada iyo Degaannada waddanka oo noqotay tii ugu wanaagsanayd ee abid laga qabto dalkeenna.

Munaasibaddan, ayaa waxaa ka soo qayb galay Haween tiro badan oo Garabka Haweenka xisbiga Kulmiye ka tirsan iyo madaxdooda, waxa kala qaybgalay masuuliyiinta sarsare ee xisbiga oo uu hormood u ahaa Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee KULMIYE Md. Axmed Cabdi-dheere iyo xubno ka wasiirro iyo guddoomiyayaal hay’adaha Xukuumadda ka socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here