Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale oo Lagu Caleema Saaray Deegaanka Dharkayn-geenyo Ee Gobolka Sool

0
2184

Dharkayn-geenyo (Hargeisa Press)- Deegaanka Dharkayn-geenyo ee gobolka Sool, ayaa waxaa maanta lagu Caleemasaaray Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale.

Waxaa caleema saarka Garaad Mukhtaar Garaad Cali Buraale ka qaybgalay wefti ka socda Somaliland, madax-dhaqameed ka socda dawlad degaanka Somalida Itoobiya, madax dhaqameed ka yimi dhinaca maamul goboleedka Puntland.

Madasha oo ahayd mid aad looga sheqeeyey hanti badana loo huray ayaa waxaa is dhex yaala agabkii hidaha iyo dhaqanka iyo kuwii casiriga ahaa oo isku milan indhuhuna inbadan ayay ku mashquulayaan daawashadooda.

Gamaanka siiba fardaha oo goobtan magac ahaan u sidata ayaa wiilal bari og duleedka madasha barbariijinayeen iyagoo mararka qaarkoodna gudaha u soo gelayey oo salaamayey madaxda kala duwan ee halkaasi ku kulantay.

Waxaana madashaasi khudbado ka jeediyay masuuliyiintii kala duwanaa ee ka soo qaybgalay xaflada caleema saarka, iyadoona khudbadahaasi ay u badnaayeen dardaaran iyo waano.

Hadaba deegaanka Dharkayn-geenyo waa magaalo yar laakiin mudo dheer soo jirtey, waxaana mageceedu ka soo jeeda 1920kii xiligii daraawiishtii ka baxday.

Dharkayn-geenyo waxaa mara xadka dawlad degaanka Soomaalida Itoobiya oo laba u qaybiya, waxayna xadka gobolka Sool ka soo afjartaa dhinaca Buuhoodle.

Magaaladan dhamaadkii qarnigii tegey ayaa lagu caleemasaaray Garaad Cali Buraale Xasan Gaba’aweyte oo dhalay garaad Mukhtaar Garaad Cali.

Sidoo kale, waxaa lagu xasuustaa magaaladan in ay bud dhig u ahayd wadahadalo dheera oo colaad ku dhowaad 30 sano dhex taaley laba beelood oo koonfurta iyo galbeedka degmada Laascaanood wada dega tanina qayb ka tahay maantase nabad tisqaaday ay ka hana qaaday waana ta sahashey in caleemasaarka garaadka lagu qabto iyadoo uu ku caana shubay Garaad Jaamac Garaad Cali iyadoo madax dhaqamedkii Soomaali inta badan cidi ka joogto.

 

Hargeisa Press Desk/Laascaanood Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here