Awash (Hargeisa Press)- Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaya weerar ay maanta maleeshiyaad ka tirsan Canfarta ku laayeen dad Soomaali ah oo safar ku sii ahaa magaalada Awash oo ka tirsan dowlad deegaanka Canfarta.
Wararka, ayaa sheegaya in dadka la laayay oo ganacsato ay ku jiraan lagala dagay gaadhi ay la socdeen, kadibna loo gaystay dil iyo dhaawac.
Dadka la laayay, ayaa waxaa ka mid ah Khadar Cilmi Cige iyo Mowliid Maxamed Cabdi, halka la dhaawacay Ismaaciil Muxumed Muuse, Siciid Muxumed Muuse iyo Cali Xuseen Jaamac.
Sidoo kale, waxaa jira dad kale oo ay dhaawacyo soo gaadheen, kuwaas oo aan helin xogtooda iyo magacyadooda, maadaama xaaladda meesha ay wax ka dhaceen la tagi karin.
Waxay wararku intaasi ku darayaan in weerarkan si gaar ah loogu beegsaday Soomaalida, isla-markaana iyaga kaliya lagala dagay gaadhiga, iyada oo dadkii kalena la fasaxay.
Ma jiro wax wara ah oo ka soo baxay ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo la xidhiidha falkaasi lagu beegsaday dadka shacabka ee ah ee Soomaalida, waxaase soconaya dadaallo ay wadaan mas’uuliyiinta deegaanku.
Si kastaba, waxaa hore u jiray digniino loo jeediyay Soomaalida oo la xidhiidha in ayna ku safrin waddadaas, marka ay tagayaan magaalada Addis Aababa, waxana loo soo jeediyay inay adeegsadaan diyaarad, inta ay jirto xaaladda adag ee ka taagan halkaasi.