“Ganacsatadu waa in ay u soo jeestaan wax soo saarka dalka”…

0
420

Hargaysa (HP): Waxaa maanta magaaladda Hargaysa ka furmay shirka wada tashiga iyo diyaarinta qorshaha shanta sanno ee siyaasadda horumarinta ganacsatadda yar yar iyo kuwa dhexe ee Somaliland.

Waxaana shirkaasi si rasmiya u furay wasiirka wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska ee Somaliland Maxamed Xasan Sacad (Saajin), iyadoo ay ka qayb galeen xubno ka mida golaha wasiirrada Somaliland.

Siyaasadaasi horumarinta ganacsiga yar yar ayay sanadkii 2019-kii golaha wasiirradda Somaliland ansixiyeen, balse siyaasadaasi ayaan sidii la rabay u shaqaynin ama aan u fulin.

Sida uu sheegay wasiirka ganacsiga Somaliland oo hadal ka jeediyay furitaanka shirkaasi, waxaanu tilmaamay in haddii ganacsatadda yar  yari aanay daryeel gaara helin ay baaba’yaan.

Wasiir Saajin, waxa uu xusay in cuntadda ay isticmaalaan bulshadda Somaliland in 90% ay wadanka dibadiisa ka timaado, isla markaana aanay jirin wax raashin ah oo dalkeena ka soo baxa.

Waxaanu ugu baaqay ganacsatadda dhaqaalaha xoogan haysta in ay u soo jeestaan wax soo saarka gudaha, inkastoo baaqaasi ay xukuumad ahaan marar badan ku celiyeen ayaan hadana weli waxba ka hirgelin.

 

 

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here