Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo lagu cadaadinayo inay Jabuuti u tanaasusho

0
3519
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Xasan Sheekh, 2024 (HargeisaPress)

Muqdisho (Hargeisa Press)- Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horreysay ka hadashay cadaadis uga yimid ma

daxda sare ee Soomaaliya, xilli ay u tartameyso kursiga Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Xildhibaan Foosiya oo warbaahinta la hadashay, ayaa diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Ra’iisal wasaaraha ay si cad ugu yidhaahdeen “iskaga hadh tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”.

Foosiya Yuusf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in markii hore uu Madaxweynaha Soomaaliya iyo ra’iisal wasaaraha garab taagnayeen, balse ay dib iska beddeleen wax walba si lama filaan ah.

“Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeedhay madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisal wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga hadho tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah u soo galay,” ayay tidhi Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaanada, ayaa sheegtay in markii ay weydiisay sababta Soomaaliya uga hareyso jagadaasi muhiimka ay u sheegeen inuu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday inay uga hadho, si uu isagu u soo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda.

“Muddo markii aan doodda wadnay oo dhamaan ay ku adkeysteen in aan hadho waxaan isku dayay in aan garnaqsado, gubaabiyo oo uga waramo danta weyn ee kursigaas ugu jirta umadda.”

Xildhibaanad Foosiya, waxay intaas ku sii dartay “Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Wakhti dheer iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayay ku adkeysteen ana marka waxaa ka codsaday in aan 10 maalmood oo soo fikiro la isiiyo, anigoo islahaa waxba iska beddeli doona.”

Waxay ku dheeraatay faa’iidada Soomaaliya kursigan u leeyahay, iyada oo diiday inay u tanaasusho Soomaaliya, “Midowga Afrika wuxuu ku dhow yahay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, waxaana dalka u soo hoyanaya maamuus, lagamana yaabo in aan ka tanaasulo musharaxnimada kursigaas.”

“Lama arag tartame ama dal lagu qasbo inuu tartanka uga hadho qeyrkii, markaa intaas oo dhan eegay waxay ila noqotay in aan ka tanaasulin kursigaas, maadaama hore la igu amray in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii,” ayay tidhi Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan.

Xildhibaannada, ayaa sidoo kale sheegtay in hanka kursigan uu ku dhashay sanado hore, balse uu hore uga hor istaagay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore, uuna hadda markale dhabarka ka jabiyay, sida ay sheegtay.

“Madaxweyne Xasan wuxuu ku adkeystay inuu codkiisa Kenya siinayo oo aan wakhti iskaga lumin, waa la qaatay markaas arrinka oo waxaa goostay in aan sugo doorashada dambe ee sanadka 2025, waxay noqotay in aan siddeed sano kale sugo oo dib isku soo sharaxo wakhtigan imika ah.”

Si kastaba, ila wareedyo diblomaasiyadeed, ayaa xaqiijiyay in qorshan cadaadiska ee madaxda Soomaaliya saareen Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan inay ka tanaasusho tartanka Guddoomiyaha Midowga Afrika, ay ka timid dhanka Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo loo aanaynayo in tahay shaqsiyaad ka soo jeeda Somaliland, maadaama ay sii xoogaysatay xiisada ka dhalatay heshiiskii isfahan ee dhexmaray Somaliland iyo Itoobiya, oo ay Jabuuti iyo Soomaaliya ka soo horjeedaan.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here