Faysal Cali Waraabe: “Soomaaliya ayaynu kafaynaa maanta oo aynu kafanta gelinaynaa”

0
1212

Hargeysa (Hargeisa Press)- Murrashax Madaxweyne ee xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe oo saaka codkiisa ka dhiibtay doorashada codbixinta ee Somaliland looga dareeray, ayaa bulshada ugu baaqay in ay nabad ku codeeyaan.

Murrashax Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta la hadlay markii uu codeeyey kaddib, ayaa waxaa uu ku baaqay in la aqbalo natiida ka soo baxda doorashada.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in doorashadani ay caddayn u tahay madaxbannaanida Somaliland, isla-markaana ay tahay mid taarikhi ah.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in doorashadan tahay mid ay Somaliland kafanta ku gelinayso ama ay ku aasayso Soomaaliya.

Wuxuu dhinaca kale fariin boggaadin ah u diray Ciidamada qaranka Somaliland iyo kuwa SSB oo isku dhinac ah ee jiidaha hore dagaalka ku sugan ee amniga sugaya.

Murrashax Faysal Cali Waraabe, ayaa ugu dambayntii waxaa uu fariin u diray shacabka reer Laascaanood, waxaanu ugu baaqay gogol nabadeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here