Faysal Cali Waraabe oo Kulan Deg-Dega Ka Dalbaday Madaxweyne Biixi

0
1690

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalkii ka dhacay deegaanka Buq-dharkayn ee Gobolka Sool.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu dagaalkaasi ka dhacay deegaanka Buqdharkayn ee gobolka Sool ku tilmaamay mid la doonayo in lagu dabar jaro reero gaar ah.

Waxaa kale oo uu Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID, gubitaankii ay Kooxda SSC u gaysteen tuulada Buqdharkayn ku tilmaamay mid ay soo abaabushay koox gaar ahi.

Kooxda uu ku sheegay G21 ayuu sheegay in ay iyagu ka danbeeyaan dhibaatada oo dhan isla markaana iyagu ay colaysiiyeen Soomaali meelkasta oo ay joogtaba, isaga oo sheegay in garaadadii shalay nabada ku baaqay anay waxba gacmaha ugu jirin.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu sheegay in reer Laascaanood iyo reer Somaliland is dhaleen, oo ay yihiin dad walaalo ah, isla markaana iyaga oo uun loo kala tagi doono kama danbaysta, waxaana uu si gaar ah u eedeeyay Wasiirka Arrimaha Guddaha Soomaaliya, oo uu sheegay in uu lacag ku qaatay isku dirka dadka.

Waxa kale oo uu sheegay in kooxdii Farmaajo oo uu sheegay in ay dhibaatada hormood ka yihiin, ay sidoo kale isku hawlayaan in ay fashiliyaan halganka uu Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh kula jiro kooxda Al Shabaab.

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng, Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ka codsaday in ay wada kulmaan, isaga oo sheegay in loo baahanyahay in Somaliland wadajir lagu difaaco.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here