Faysal Cali Waraabe oo Ka Digay Qorshe Somaliland Loogu Jarjarayo Sida Somalia

0
1551

Hargeisa (Hargeisa Press) – Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in la doonayo in Somaliland loo jarjaro sida Soomaaliya isla-markaana Maamul-gobolleed cusub laga sameeyo bariga Dalka.

Faysal Cali Waraabe oo Maanta ka hadlay Munaasibad lagu qabtay Hargeisa ayaa sheegay inuu arrintaa wado Safiirka Soomaaliya u jooga Itoobiya.

“Nin la yidhaahdo Camey ayaa Safiir looga dhigay Itoobiya, waa Madaxweyne ku-xigeenkii hore ee Puntland, Ninkaa waxa meesha loo geeyay inuu Somaliland qaso oo uu jarjaro, Shalay wuxuu la fadhiistay Ninka Turkiga u qaabilsan Wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu isku geeyay Ninka la yidhaahdo Dhoobo-daareed, markaa waxa la wadaa wax la yidhaahdo ‘Makhir State’ oo ah Sanaag, Sool iyo Cayn, taas ayaa hadda IGAD laga soo ansixinayaa, horena wuxuu u casuumay Ugaaska Samaroon, Ugaas Cabdirashiid, Suldaan Siciid oo ah Suldaanka Badhan iyo Fahad Yaasiin.”Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

“Waxaas ayaa innagu socda iyo in Somaliland loo jarjaro sida Soomaaliya oo laga dhigo Dawlad Gobolleedyo, taasina way suurto-galaysaa haddaynaan innagu beenayn, waxaana waxa inaga qarinaya Muranka gudaheeda..”ayuu intaasi ku daray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here