Faysal Cali Waraabe oo ka digay cadaawadda Soomaaliya u hayso Somaliland

0
1662
Faysal Cali Waraabe

Hargeysa (Hargeisa Press)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa waxaa uu eedaymo culus u jeediyay Madaxweynaha Somaliland, Maamulka Soomaaliya iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Faysal Cali Waraabe, ayaa Madaxweyne Biixi ku eedeeyay in uu ogolaaday in Madaxweynaha Jabuuti oo ah cadawga Somaliland uu dhigo gogosha wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Hase ahaatee buu yidhi Madaxweyne Muuse aanay u muuqan cadaawadda Ismaaciil Cumar Geelle u qabo Somaliland.

Sidoo kale, Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ee UCID, Faysal Cali Waraabe, ayaa xisbiga Waddani ku eedeeyay in uu ka shaqaynayo midnimada Somaliland iyo Soomaaliya.

Wuxuuna tilmaamay in xisbiga Waddani uu rabo dib u midaynta Somaliland iyo Soomaaliya, isla markaana uu ka soo horjeedo heshiiska Somaliland iyo Itoobiya.

Faysal Cali Waraabe, ayaa waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya weli rejo ka qabto in Somaliland dib ula midowdo, laakiin taasi aanay suurto-gal ahayn.

Wuxuu eedaymo u jeediyey Raysal wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi barre, isagoo shacabka Somaliland u iftiimiyay cadowga isku soo bahaystay.

Ugu danbayntii Guddoomiye Faysal, ayaa shaaciyay in Xisbigiisu uu 29-ka Bishan uu ku dhawaaqayo Musharraxiinta Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka uga qayb galaya doorashada Somaliland la filayo inay ka dhacdo 13 bisha November ee sannadkan 2024-ka, isagoona ka warramay waxyaabaha uu ku soo ogaaday socdaal uu ku soo maray gobollada bariga iyo galbeedka Somaliland.

Waxaanu sheegay in dadku ka daaleen qabyaalad isla-markaana ay ogyihiin kala duwanaanshaha Musharraxiinta tartamaya ee la xidhiidha lexejeclada waddanka.

Hoos ka daawo muuqaalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here