Faysal Cali Waraabe: Haddaan Helo Cid Aan Ku Aamino Xisbigayga Waan Uga Kacayaa Kursiga

0
798

Hargeisa (Hargeisa Press)- Dhawaan Somaliland waxaa lagu dhaariyay guddiga cusub ee doorashooyinka, hase ahaatee waxaa qaaddacay xisbiyada mucaaradka, oo uu ka midyahay UCID.

Guddoomiyaha xisbigaas Feysal Cali Waraabe Feysal oo maanta la hadley BBC-da ayaa sheegay inaanu aqoonsaneyn jiritaanka labada gole ee Guurtida iyo Wakiillada, kuwaasoo uu sheegay in wakhtigoodii sharciga ahaa uu ka idlaaday.

“Golaha baarlamaanka iyo guurtidaba waxaan u arkaa inay sharci darro yihiin, waxay soo saaraanna ay sharci darro yihiin. Sharci odhanaya guurtidu ha joogto, oo markuu odaygu dhinto inankiisu ha maamulo ma jiro, sidoo kale sharci odhanaya baarlamaanka hadduu wakhtiga ka dhaco haloo kordhiyo, oo odhanaya ilaa in baarlamaan lasoo doorto ha fadhiyaan isagana ma jiro, arrintaasna waxaa nagu billaabay maamulkii kan ka horreeyay ee Kulmiye”, ayuu yidhi Feysan Cali Waraabe.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay, muranka ka taagan xisbiyada mucaaradka iyo guddiga doorashada, wuxuuna sheegay inay imika war ka sugayaan guddi dhexdhexaadin ah oo hawshaasi u kacday, taaas oo uu sheegay inuu wanaag iyo is afgarad ka filayo.

Mar Feysal la weydiiyay su’aal ku saabsaneyd in guddoomiyeyaasha xisbiyada qudhooda lagu eedeeyo inay xilka isku dhajiyaan ayuu sheegay in isagu aanu ilaa hadda helin qof uu kursigaas uga nasto.

“Anigu intaas baan ku jiray, haddaan arko qof karti leh, oo xisbiga u qalma, oo sharciga iyo xeerarkiisa fulinaya, waan iska nasan lahayn, laakiin wax nidaam leh oo xisbiga usoo galaya inuu ajandahaas fuliyo Somaliland kuma jiro. Iska daa inay xisbi ku jiraane, Somaliland-ba hadduu maanta ka waayo xil ayuu Xamar tagayaa. Bal ii sheeg hadduu jiro qof aan ku aamino xilka guddoomiyaha xisbiga, anigaa uga kacaya”, ayuu yidhi gudoomiye Faysal.

Wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Feysal Cali Waraabe oo dhinaca kale ka hadlayay arrimaha ku saabsan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland ayaa sheegay in xaaladda oo si fiican ku socota ay hakad galeen.

Wuxuu dhaliil u jeediyay mas’uuliyiinta Soomaaliya ee hadda maamulka haya.

“Soomaaliya iyo Somaliland waxaanu ahayn labo dal oo isku tagay, sidaasna UN-ta uga codsaday kursi, Nasiib darro ayaa dhacday, waa la kala tagay, Somaliland maanta way dhisan tahay laakiin Soomaaliya ayaa u baahneyd in la hagaajiyo. 2012-kii waxaan ku heshiinnay inaan wadahadalno annagoo labo dal ah.

Wadahadalladu way noo socdeen maamulladii Sheekh Shariif iyo Xassan Sheekh, laakiin maamulka hadda jira waxay siyaasad ka dhigteen sidii Somaliland loo baabi’in lahaa, waxay siyaasad ka dhigteen sidii loo meelmarin lahaa dastuurkii ay saxeexeen ee ahaa maamul goboleedyada, annagu marka waxaan leenahay Soomaaliya maanta Afrika inagaa ugu foolxun, maanta waxaa jooga Soomaaliya 20,000 oo ajnabi ah, Mareykanku Vietnam wuxuu kaga tagay 150,000 oo carruur ah, bal ka fikir maanta carruurta ay ciidamada Soomaaliya jooga kaga tagi doonaan.

Marka anigu waxay ila tahay in aan caqli isku keenno oo ka shaqeyno sidii Soomaaliya loo badbaadin lahaa, Somaliland-na la ictiraafo, annaguna aan gacan ka geysanno sidii aan Soomaaliya u dhisi lahayn”.ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Wadahadallada labada dhinac ayaa wali hakad ku jira, inkastoo Soomaaliya ay dhankeeda ka diyaarisay guddi u qaabilsan arrintaas.

 

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Offfice.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here