Somaliland oo Xabsiga Ka Sii Daysay Masuuliyiintii Xisbiga Waddani

0
808

Hargeisa (Hargeisa Press)- Xukuumada Somaliland ayaa waxa ay goor dhawayd xabsiga Madheera ka sii daysay masuuliyiintii Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani oo xidhnaa mudo sagaal cisho ah.

Masuuliyiintan xisbiga Waddani ee xukuumadu xabsiga ka sii daysay ayaa kala ahaa Xoghayaha Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi iyo Afhayeenkii xisbigaasi Barkhad Jaamac Batuun.

Sii daynta masuuliyiinta Xisbiga Waddani ayaa yimid kadib markii guddi is-xilqaantay oo ay xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ka aqbashay ergo ay isku xilqaameen ay ula tageen arinta sii daynta masuuliyiintaasi, sidaa darteenda goor dhawayd xabsiga laga sii daayay masuuliyiinta Waddani oo mudo todobaad ah xidhnaa.

Dhinaca kale, Masuuliyiintan Xisbiga Waddani Warbaahinta la hadley markii la sii daayay ayaa ka hadkey sida ay u arkaan sii dayntooda.

Hoos ka daawo muuqaalka warkan

Hargeisa Press Desk/ Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here