Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc Oo Hargeysa Ku Geeriyooday

0
896

Hargeysa, (HargeisaPress) — Alle Naxariistiisa Janno ha ka waraabiyee Fannaankii Caanka ahaa ee Maxamed Axmed Kuluc, ayaa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa kaddib markii uu in muddo ah Xanuunsanayay.

Agaasimaha Cisbitaalka Hargeysa,a yaa saxaafadda u sheegay in Marxuumku ku geeriyooday Qaybta Gargaarka degdeg ah ee Cisbitaalka ka dib markii Neeftu qabatay.

Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc wuxuu ka mid ahaa Fannaaniinta Caanka ka ah ee laga wada yaqaanay Gayiga Soomaalidu degto.

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdillaahi Cukuse, ayaa sheegay in Marxuumka loo samayn doono Aas Qaran. Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kalena dhambaal tacsi ah u diray Ehelada, bahda Fanka iyo Bulshada uu ka baxay Maxamed Axmed Kuluc.

Maamulka iyo Hawl wadeenada HargeisaPress. waxay Tacsi u dirayaan Ehelka,Asxaabta, Bahda Fanka iyo Guud ahaan Bulshada uu ka baxay Fannaanka Maxamed Axmed Kuluc, annagoo Alle uga baryayna Marxuumka inuu Illaahay Naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Ehelka iyo Asxaabta iyo Bulshada kalena Samir iyo Iimaanka siiyo Cawil khayr qabana ugu bedelo halkii uu ka baxay.

Si kastaba ha ahaatee, Marxuum Kuluc ayaa lagu xasuusan doonno doorki uu fanka kaga jiray iyo heesihiisa wakhti walba la jaan qaadi jiray, waxaana taariikh nololeedkiisa oo dhamaystiran dib idinku soo daabi doonnaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here