Fannaan Cabdiraxmaan Dheere oo Maanta Lagu Aasay Magaalada Boorama

0
1526

Boorama (Hargeisa Press) – Waxaa maanta magaalada Boorama aas qaran loogu sameeyay alle ha u naxariistee Fannaankii weynaa ee Cabdiraxmaan Cismaan Maxabbe (Cabdiraxman Dheere).

Alle ha u naxariistee Fannaan Cabdiraxman Dheere, ayaa waxaa uu habeenimadii xalay ahayd ku geeriyooday magaalada Boorama.

Waxaa aaska Fannaanka ka qayb galay masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda Somaliland, Abwaano, Fannaaniin, Siyaasiyiin, Aqoonyahan, Madax-dhaqameed iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Alle ha u naxariistee Fannaanka, ayaa waxaa uu u geeriyooday Xanuunka Macaanka oo uu mudaba u jiifay isga oo xalay u geeriyooday xanuunkaasi oo ay tii alle u timid.

Fannaan Cabdiraxmaan Dheere, ayaa alle ha u naxariistee waxaa uu Fanka Soomaalida magac ku yeeshay oo uu fankiisu soo caan baxay horaantii 1970-yadii illlaa dabayaaqadii 1980-yadii.

Wuxuuna muddo dheer ka tirsanaa kooxdii ciidamada millateriga dowladii Kacaanka ee Horseed faraceedi Jeneraal Da’uud ee magaalada Hargaysa.

Fannaan Cabdiraxman Dheere, ayaa ahaa Fannaan, mulaxan iyo hal-abuur aad loo jeclaa, oo ku luuqeeyay heeso badan oo caan ah.

Cabdiraxman Dheere, ayaa waayihiisii fanka ahaa fannaan aad caan uga ah bulshada fanka jecel dhexdeeda, wuxuuna codkiisa ku qaaday heeso badan oo hirgalay islamarkaana wuxu ahaa mulaxan wayn iyo hal abuur riwaayadaha iyo heesaha curiya.

Heesaha uu ku luuqeeyey kuwooda ugu caansan waxa kamid ah, Halkan aynu joogna ma jidkii siraadbaa, Suul-dhabbaale, Geesiga barbaarta, Allahayow dhib badana ninka tagay dhulkisii, Boqorkii haweenkay, Hargaysay iyo Umadyahay.

Cabdiraxmaan Dheere sidoo kale heesaha uu laxanka saaray, ayaa waxa ugu caansan, Wisiisi oo ay ku luuqayso Aamina Cabdillahi Xirsi, Jidka siraad oo uu isagu qaado, Suul-Dhabbaale oo isaga iyo Sahra Axmed Jaamac wada qadaan, Geesiga barbaarta oo uu sagu qaado iyo Umadyahay oo uu sagu qaado.

Cabdiraxman riwaayadaha uu ka qayb qaatay waxa kamid ah, Dab jacayl kari waa, Farxadi waa naxdin iyo riwaayad lagu magacaabi jiray Soomaaliya oo ahayd riwayad Waddani ah oo ay soo agaasintay dowladii Kacaanka.

Fannaanka ayaa magaalada Boorama daganaa 30 kii sano ee ugu danbeeyay, waxaana Fannaanka u dhaxday Aamina Cabdillaahi Xirsi, oo ah fannaanad caan ah, waxana caruurtiisa ugu caansan Hodan Cabdiraxman Dheere oo ah fannaanad da’yar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here