Badhsaabka Sool Oo xadhiga Ka Jaray Laba Ceel Biyood+Sawirro

0
625

Laascaanood (HP): Badhsaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, ayaa maanta xadhiga ka jaray laba Ceel biyood oo laga hergelliyey deegamada Gol-Janno iyo Shululux  ee gobolka Sool.

Munaasibadaha xadhig jarka waxaa badhsaabka ku wehelliyey ku-simaha agaasimaha guud ee Wasaaradda Biyaha Maxamed Mooge iyo sarakiilka tirsan wasaaradda biyaha.
Taliyaha qaybta police ka iyo guddoomiyaha degmadda Yagoori, isuduwaha biyaha ee gobolka Sool masuuliyiin kele iyo qaybaha bulshada ee deegaanadaasi.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay munaasibadii xadhig ka jarka labadaas Ceel biyood ayaa sheegay in labadii sanadood ee u danbeeyay ay xukuumadda Somaliland gobolka Sool ka hirgelisay in ka badan toban ceel biyood.

“24-bilood ee la soo dhaafay ku dhawaad 10 Ceel ayaa xukuumadda Somaliland ay ka hirgellisay gobolka Sool. Waxaana hormuud u ah fulinta iyo guulaha  mashaariicdan iyo horumarka gobolka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Waxaa iyana sannadkan qorshaysan hirgellinta Ceelal biyoodyo hor leh oo laga hirgellin doono degaanno hoostega degmada Xuddun”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi, “Biyo nadiifa oo ay bulsho joogto u hesho waa tiir aasaasi u ah nolosha Aadanaha waana sababta aan Madaxweyne Muuse Biixi ugu bogaadinayno ahmiyadda uu siinayo arrintan iyadoo ayna sii dheer tahay mashariicda waxtarka weyn leh ee gobolka laga fuliyey muddada uu hayo Hoggaanka Jamhuuriyadda Somaliland”.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here