Facebook oo hakiyey tobannaan kun oo App

0
690

Shirkadda Facebook ayaa shaaca ka qaadday iney hakisay tobannaan kun oo App. Wixi ka dambeeyey fadeexaddi Facebook ee la xidhiidhay baadhitaankii Cambridge Analytica iney go’aankaasi qaadatay.

Wixii ka dambeeyey markii Facebook dhaleeceyn loo soo jeediyey 2018-kii inuu Cambridge Analytica ay xogta dadka Facebook isticmaasha oo ay khiyaameysay, waxaana shirkadda dhinacya badan uga imanayey cadaadis xooggan.

Cambridge Analytica waxay xogaha dadka ay jabsata la sheegay iney u isticmaaleysay ii dhahyada siyaasadeed.

Waxaana shirkadda Facebook xilligaasi la ganaaxay 5 bilyan oo doolar, taasoo ka dhigeyso shirkaddii lagu ganaaxo lacagtii ugu badneyd ganaaxaasi u ku muteysata xogha dadka oo ay jabsatay.

Facebook markii ay ku badatay cambaareynta caalamka uga imaneysa, wuxuu billaabay inuu qaado tillaabbooyin ay ku ilaalineyso xogaha shaqsiyaadka.

Waxayna Facebook in mudda ah ay wadday baadhitaan arrimahan la xidhiidha oo ay ka howl gelisay boqollaal khubaro oo isugu jira qareenno, injineerro iyo Khubarada baadhitaannada ilaalinta xogaha.

Balse Facebook waxa ay ka gaabsatay tirada App ee intaa le’eg ee ay hakisay waxa ay yihiin iney faahfaahin ka bixiso.

App ay xayirtay waxay sheegtay iney ka mid yihiin kuwo xogaha shaqsiyaadka Facebook isticmaala jabsada oo si khaldan u baahiya ama u soo bandhiga.

Waxaa ka mid ah App loo yaqaanno ‘My Personality’ oo xogaha dadka u sii gudbin jiray dadka baadhitaannada kala duwan sameeya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here