Ethiopia: Oromada Oo Todobaadkii Saddexaad Mudaharaadaysa iyo ciidamo dheeraad ah oo la duldhigay + SAWIRRO

0
1053

ADDIS ABABA, (HargeisaPress)  — Mudaharaado aan hore loo arag ayaa todobaadkii saddexaad ka socda dalka Ethiopia gaar ahaana qaybaha qoomiyadda Oromadu degto. Dawladda ayaa xaqiijisay in todobaadkan ilaa 5 qof ku dhinteen dibadbaxyada, balse mucaaradka ayaa sheegaya in ilaa 60 ciidamada dawladdu dileen.

People from the Oromia region, close to Addis Ababa, have been discriminated against by Ethiopia’s ruling ethnic groups Reuters
People from the Oromia region, close to Addis Ababa, have been discriminated against by Ethiopia’s ruling ethnic groups Reuters

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dibadbaxayaasha ayaa ka soo horjeeda magaalada caasimada ee Addis Ababa oo ku fidaysa degaannada gobolka Oromada, iyagoo cabsi ka qaba in dhulkooda laga qaado.ardayda, beeralayda iyo qaybaha kale ee bulshada ayaa ka qayb qaadanaya mudaharaadka oo ku fiday degaannada gobolka Oromada.

 

Dawladda Ethiopia ayaa ku eedaysay mudaharaadka mid ay dabada ka riixayaan dad doonaya inay wadanka curyaamiyaan. Waxay ku eedaysay mucaaradka inay agaasimayaan mudaharaadka lagaga soo horjeedo qorshaha lagu balaadhinayo dhulka caasimadu xukunto.

rabsh

Qof ka mid ah dadka degaannada Oromada oo VOA soo xigatay isagoo arrimo ammaan magaciisa u qariyay ayaa sheegay in ciidamo dheeraad ah lagu soo daabilay gobolkooda “Ciidamo badan oo lagu soo daad-gureeyay gobolka ayaa xakamaynaya dad badan oo ku biiri lahaa dhaqdhaqaaqa dibadbaxa,” ayuu yidhi isagoo intaasi raaciyay “Dadka ugu badan dibadbaxayaashu waa beeralayda. Waxay ka yimaadeen miyiga iyo xaafaddaha magaalada, waxaanu boolisku xidhay dad ka mid ah ka qayb qaateyaasha dibadbaxa,” ayuu yidhi qofkaasi magaciisa qariyay.

Map of Oromia region of Ethiopia
Map of Oromia region of Ethiopia

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Ethiopia ayaan looga baran mudaharaadka noocan ah, waxaanu xukunka hayay xisbiga talada hayaa tan iyo sanadkii 1991, isagoo dhammaan kuraasta baarlamaanka ku guulaystay doorashooyinkii qaran ee bishii May.

 

Dibad-baxayaasha oo kasoo jeeda qowmiyadda Oromada ayaa ku doodaya in qorshaha dowladda uu keeni doono inay lumiyaam is-maamul hoosaadkooda uuna curyaamin doono dadka Oromada ah ee ku nool duleedka Addis-Ababa.

rabash

 

Dowladda ayaa iyana dhankeeda sheegeysa in qorshaha lagu hormarinayo dhul beereedkan uu keeni doono ganacsi cusub ayna ka faa’iideysan doonaan dhammaan kooxaha kala duwan.

 

Oromada waa qowmiyadda ugu ballaaran dalka Ethiopia, waana 40% dadweynaha dalkaas.

 

 

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here