Ethiopia: Degaan U Dhaw Gaashaamo Oo Dagaal Ka Dhacay

0
1127

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintay dagaal Degaan koonfur bari ka xiga magaalada Gaashaamo ee ismaamulka Soomaalida Ethiopia ku dhexmarayΒ  beelo ka tirsan Habaryoonis iyo Dhulbahante. Sidoo kale waxaa la sheegay in dad badani ku dhaawacmay isku dhaca labada beelood.

 

Inkasta oo aanay jirin warar faahfaahsan oo ka soo baxay labada dhinac, waxaa la sheegay in dagaalku ka dhashay khilaaf ku saabsan Barkado degaanka ah, kuwaasi oo sabab u noqday isku dhaca sabtidii dhexmaray labada Beelood.

 

Odayaasha labada Dhinac ayaa BBC-da u sheegay in labada dhinacba khasaare soo gaadhay. Wararka ayaa intaasi ku daraya in dawlad degaanka Ethiopia iyo waxgarad kala duwan oo labada dhinac ahi ku hawlan yihiin daminta collaadda iyo sidii xal loogu heli lahaa arrimaha la isku hayo.

 

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa

hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here