Erdogan oo Farriin U Diray Dalalka Khaliijka iyo Masar

0
891
Erdogan oo Hanjaad Culus U Diray Dalka Armenia
Recep Tayyip Erdogan

Ankara (Hargeisa Press) – Dowladda Turkiga, ayaa rajaynaysa inay sare u qaado Iskaashiga Masar iyo dalalka Khaliijka iyada oo lagu salaynayo “guul labada dhinac ah”, waxaa sidaas Salaasadii sheegay Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Ankara, ayaa ka shaqayneysa inay hagaajiso xidhiidhka xumaaday ee kala dhaxeeya Qaahira iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka kadib sanado xiisad ah.

Xidhiidhka Ankara ee Masar iyo Sacuudi Carabiya, ayaa u xumaaday arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin mowqifyo is-diidan oo ay kala taagan yihiin Islaamka siyaasiga ah, dagaalka Libya, iyo dilkii Jamaal Khaashuqji ee October 2018 ka dhacay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul.

Turkiga, ayaa bilihii dhowaa isku dayaysay inay hagaajiso xidhiidhka, waxayna wefdi u dirta Qaahira, halka wasiirka arirmaha dibedda Mevlut Cavusoglu uu dhiggiisa Sacuudiga wada-hadallo kula yeeshay Riyadh.

“Damaceena waa inaan fursadahan u adeegsano iskaashi heerka ugu sarreeya ah, oo aan hormarino xidhiidhkeena si ku dhisan guul labada dhinac ah. waxayna xaaladdan sidoo kale ku dabaqdaa dalalka Khaliijka,” ayuu Erdogan u sheegay taleefishinta dowladda ee TRT.

“Waxaan jirta suurta-galnimada iskaashi dhab oo aan Masar kala yeelano arrimo ay ka mid yihiin badda Mediterranean illaa Libya,” ayuu yidhi, isaga oo ku daray “inuu jecel yahay” dadka Masar. “Sidaas darteed, waxaa naga go’an inaan hanaankan dib u billowno.”

Turkiga, ayaa bishii tagtay wefdi u dirtay Qaahira, halkaasi oo labada dhinac ay wada-hadallo ku yeesheen, taasi oo aheyd xidhiidhkii ugu horreeyay ee toos ah ee dhex-mara labada dhinac tan iyo markii afgambi milateri xukunka lagaga tuuray madaxweynihii Masar Maxamed Mursal, 2013-kii.

Sidoo kale, Ankara ayaa hoos u dhigtay cambaareyntii ay u jeedin jirtay Sacuudiag ee la xidhiidhay dilkii Khaashuqji, xilli Sacuudiga ay joojiyeen inay badeecadaha ka soo dhoofsadaan Turkiga.

Kadib wada-hadalladii uu Riyadh kula yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Amiir Faisal bin Farhan, Cavusoglu, ayaa sheegay in wada-hadallada ay sii socon doonaan.

Reuters

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here