Eraygaan Odhanaayo Sumad Baan U Yeelayaa…

0
770

Musharax C/raxman Cirro, horta waxa uu doonayo iyo hankiisa Madaxwayne-nimo 9 sanadood baan la doonayay, maanta na ragg kale ayaa la doonaya oo garabkiisa taagan, balse hankii madaxwayne-nimo ragg badan oo kale oo deegaankiisa ah oo uu wakhtigu isa soo gaadhsiiyay ayaa maanta doonaya.

Ragg badan oo xisbiga Waddani ku jira, oo aanu asxaab nahay wax badan ayaanu ka sheekaysanaa siyaasada wakhtigan iyo xaalada dalka.

Anigu markaan hadda ba maqlay hadaladii maanta uu C/raxmaan Cirro, ugu lhudbadeeyay dhalinyaradda runtii waan ka naxay, nin kastoo caqli lihi na wuxuu is-waydiiyay cida ku dhiiri-galisay Cirro inuu hadalkaas yidhaahdo.

Marka aad hogaamiye tahay, waxaa loo baahan yahay in aad ku xisaabtanto in aanad bulshadda aad hogaaminayso xartaaradooda gaadhsiinin meel aanad xakamayn karayn ama aanad awoodin inaad ka soo celiso taageereyaashaada hadhaw.

Haddaba, mid ku farxay, mid kula soo taliyay, mid ku taageersan dhawaaqaas Cirro, waxaan u sheegayaa inuu C/raxmaan Cirro jeexday khad Cas oo aanay cidina ku khasbin kaas oo ah.
1. Dhalinyarada uu ugu baaqay inuu ku hogaamin doono dareenkooda ee uu heeganka galiyay iyo dagaalka, haddii uu kaga dhabayn waayo isaga ayay dilayaan.

2. Haddii dagaalka uu ugu baaqay dhalinyarada uu kaga dhabeeyo na, waa dhamaadkii iyo gabagabadii hankiisa siyaasadeed, dalka JSL na weligii madaxwayne ka noqon maayo.

FG: Dhalinyarada Garxajis ee ku nool JSL waxaan u sheegayaa, walaalayaal kursiga kuma gaadhi karno dagaal, xoog na kuma qabsan karno xukunka dalka JSL. 30 sanadood waxaynu kursiga u gaadhi waynay, waa hogaan xumaan iyo talo-xumaan ee maaha tamar darraan.

Reer Somaliland oo dhan na maanta waa ka raali inuu dalka madaxwayne ka noqdo qof ka soo jeeda deegaankeena, qofkaasi na kuu noqon doono ILLAAHAY SWT baa og. Waxa se muhiim ah in la la yimaado tallo iyo sidii ay dhankeenna uga suurto geli lahayd.

Qurbajoogta Garxajis waxaan u sheegayaa, ilma adeerayaal dagaal ay daan gelayn, oo aydaan ubadkiina u dirayn, ha ku abaabulina dhalinyaradda. Haddii ay dhab idinka tahay, oo dagaalka aad rabtaan dhoofa oo idinku hogaamiya. Laakiin, idinka oo nabad haysta, oo caruurtiina mustaqbalkoodii haysta, $100 dollar oo aad dirteen, walaahi in aanu Inann yar oo Agoon-nimo lagu soo koriyay ku dhimayn, ee dadka ka daaya abaabulka aydaan waxba ku taraynin.

Ugu danbayn wax-garadka, culimada, salaadiinta, ganacsatadda, aqoonyahanka beesha Garxajis, waxaan ugu baaqayaa in aanay xaalada maanta indhaha ka qarsan, ka na dhuuman ee ay kaalintooda ka qaataan sidii looga hortagi lahaa taariikh xumada soo socota.
Allaa mahad leh.

Ibraahim Aadam Aw Qoobey.

Guddoomiyaha URURKA SHAQAALAHA SOMALILAND.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here