Duuliye Axmed Dheere oo Ka Waramay Dhibaatadii Taliskii Siyaad Bare U Geystay Shacabka Somaliland

0
2641

Hargeisa (Hargeisa Press) — Duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka mid ahaa ciidankii cirka ee dawladdii la isku odhan jiray Soomaaliya, Islamarkaana ahaa Bayloodkii diiday inuu fuliyo amarkii lagu siiyay inuu duqeeyo magaalada Hargeysa 1988-kii, diyaaraddii uu wadayna ka dejiyay Dalka Jabuuti, ayaa si weyn uga dareen celiyay maamuuska Dowladda Somaliland u samaysay.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo isaguna kelmedo kooban jeediyey, ayaa ugu horrayn si ballaadhan ugu mahadnaqay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland iyo madaxdooda oo uu ku tilmaamay dad xariir ah oo xasuusan abaalkii loo galay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay qalbigiisa ku weyn tahay wanaagga taageerada looga muujiyey guud ahaan geyiga Somaliland.

Waxa uu ka xog-warramay dhibaatadii uu taliskii Af-weyne u geystay shacabka Somaliland, waxana uu ammaanay dhammaanba halgamayaashii naftooda u huray inay taliskaas meesha ka saaraan, xorriyadda iyo qarannimada Somaliland-na dib usoo celiyaan.

“Dhibaatadii dhacday iyo gabbood-falkii dhacay wax lasoo koobi karo ma aha, waxana mahad iska leh raggii iyo haweenkii guntiga dhiisha iskaga dhigay ee u duubtay inay badbaadiyaan oo dadkii iyo dalkii ka qaadaan nidaamkii waxshiga ahaa oo marka horeba midiidin u ahaa gumaysigii dalka haysan jirey,” ayuu yidhi Duuliye Axmed Maxamed Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here