Duulimaadyadii Soomaaliya iyo Kenya oo Dib U Billowday

0
572

Nairobi (Hargeisa Press) – Waxaa maanta oo Axad ah dib u billowday safarada dhanka cirka ee magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho, kaddib mudo bil ah oo ay hakad ku jireen duulimaadyadii tooska ugu kala gooshi jiray Kenya iyo Soomaaliya.

Arrintan, ayaa ka dambaysay kaddib markii 10-kii bishan ay dowladda Kenya shaacisay inay qaaday xayiraaddii ay bishii May ku soo rogtay duulimaadyadii diyaaradaha ee Soomaaliya.

Talaabadan, ayaa waxaa ku farxay ganacsata Soomaalida ee diyaaradaha ee Nairobi oo sheegay in muddadii ay xayiraaddu jirtay uu ganacsigoodu soo wajahay khasaare weyn.

Geesta kalena, qoraalo ka soo kala baxay wasaaradaha arrimah dibadda Kenya iyo Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in xihiidhkii labada dal ka dhaxeeyay dib loo soo celiyay.

Khilaaf muddo dheer soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya, ayaa dhowr jeer oo hore sababay in hakad ku yimaadaan howlaha duulimaadyada diyaaradeed ee labada dal.

LEAVE A REPLY