Duqa caasimada wuxuu u muuqdaa mid karti dadaal , Dulqaad Dacadnimo iyo Dabacsanaan danyarta ugu adeegayo

0
898

Tan iyo mudadii u dhisnaa golaha deeganka ee caasimada haragysa isla markaana uu hogaaminayey gudoomiyaha dada yar cabdiraxmaan maxamuud caydiid “solteco “ ayaa wuxuu goluhu ku talaabsaday hormar iyo dib u habayn dhinacyada bilicda iyo dib u dhiska waxaa xusid mudan sida ay ugu goan tahay duqa caasimada inuu mudadaa uu xilka hayo inu sii hagar la’aan ugu adeego bulshada caasimada Somaliland ee hargaysa waxaa kaloo la og yahay sida uu habeen iyo maalinba heeganka ugu yahay duqa caasimadu uu adeegista bulshada uu xilka u hayo iyo sida uu ugu hawlan yahay qurxinta bilicda caasimada hargaysa oo iyadu ah muraayadii dalka jamhuuriyada Somaliland bilicda caasimada iyo dib u dhiska jidadka duugoobay ee caasimada waxaa barbaar socda dhismayaasha jidadka casriga ah ee cusub ee qaybaha kala duwan ee caasimada ee uu duqa caasimadu ka wado waxay ku markhaati kacaysaa sida ay uga go’antahay meel marinta himilada fo iyo qorshaynta dawlada hoose ee caasimada ay ku hawlan tahay inay mustaqbalka dhow haragysa tartan la gasho caasimadaha geeska afrika waxaan la dafiri Karin guud ahaan isbedelka muuqda ee dhinaca bilicda iyo dib u dhiska caasimada hargaysa labada sano ee u danbeeyey ayaa golaha deganka caasimadu ka hirgaliyeen isla markaana kor u qaadeen dhinaca nadaafada caasimada sidoo kale mudadaa labada sano iyo dheeraadka ah ee uu xilka hayey gudoomiyaha golaha deegaanka caasimada mudane cabdiraxmaan solteco ayaa sida la ogyahay ay ka muuqataa astaamaha hogaamineed ee looga baahanaa iyo inuu yahay hogaamiye da’yar oo deeganaan dulqaad leh isla markaana debecsanaan u muujiyaay dadka danyarta ah iyo dhiiri gelinta da’yarta iyo dhalinyarada Waxaa intaa dheer gudoomiye cabdiraxmaan maxamuud caydiid inuu umuuqdo nin leh han fog iyo hami siyaasadeed oo durugsan isla mar ahaantaana inuu mudo xileedkiisa muujiyo

Iyo waxqabad hagar la aana daacadnimo ugu adeego bulshada caasimada si uu bulshada SLutuso cabdiraxmaan solteco shaqsiga uu yahay kartidiisa iyo aqoontiisa dabeecadiisa iyo siyaasadiisa hogaamineed ee durugsan

Waxa kaloo iyana aan meesha ka madhnayn dad badan oo aqoon ulihina ay sheegaan in cabdiraxmaan solteco in ay ka goan tahay waxqabadka balaahdan horumar caasimad ah oo dhinac waxqabadka ah daacadnimo karti dulqaad iyo deganaan ku guto sooyaalkiisa taariikheedna wax badan ka taro mustaqbalkana ugu gudbo siyaasada hogaamineed oo heer qaran ah.

 

Wabilaahi towfiiq

Qalinkii Maxamed ismaaciil Cumar Maxamed biid

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here