“Dowladda Itoobiya waxa ay muujisay ka go’naanshiyaha heshiiska Somaliland”. Agaasime Cabdirashiid

0
1367

Hargeysa (Hargeisa Press)- Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa ka hadlay wadahadalladii fashilmay ee u dhexeeyay Itoobiya iyo Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Ankara ee dalka Turkiga, kaasi oo uu fashil weyn ka soo gaadhay Soomaaliya.

Agaasime Cabdirashiid, ayaa sheegay in Itoobiya ay muujisay sida ay uga go’an tahay heshiiskii isfahan ee la gashay Somaliland.

Wuxuu sheegay in wadahadalladii Turkiga ka qabsoomay ay Itoobiya keentay halka adag ee ay ka taagan tahay heshiiska MoU ee Somaliland iyo Itoobiya.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan, ayaa sidan ku sheegay qoraal uu ku baahiyay boggiisa Facebook-ga.

“Dawladda Ethiopia waxa ay muujisay ka go’naanshiyaha heshiiska labada Dawladood ee Ethiopia iyo Somaliland, halka dhinaca kale tanaasul keenay ahaa in iyadoo heshiisku jiro la wada hadlo.”. ayuu yidhi Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Cabdirashiid Ibraahim Sheekh Cabdiraxmaan.

Waxaa kale oo uu hadalkiisa sii raaciyay, “Wadahadalkii maanta Turkiye ka qabsoomay, Ethiopia waxa ay keentay halka adag ee ay ka taagan tahay MoU – ga Somaliland iyo Ethiopia. 𝐈𝐬 𝐟𝐚𝐡𝐚𝐧 𝐰𝐚𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐢𝐬 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐲𝐬𝐢 𝐮𝐮𝐧 𝐮 𝐞𝐞𝐠 𝐰𝐚𝐚 𝐥𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚-𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐤𝐚𝐝𝐝𝐢𝐛, 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐥𝐚 𝐢𝐬𝐥𝐚 𝐠𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐤𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐤𝐚𝐝𝐚 𝐚𝐡 “𝐀𝐲𝐧𝐮 𝐦𝐚𝐫 𝐤𝐚𝐥𝐞 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧𝐧𝐨 / 𝐚𝐦𝐚 𝐚𝐚𝐧 𝐢𝐬𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐧𝐨𝐪𝐨𝐧𝐨”. Waxa kale oo la isla gartay in wada hadalo sii socdaan – waa baaqyadii AU, IGAD iyo UN ee ahaa in si nabad ah loo wada hadlo, sidda ku cad war murtiyeed ka Turkiye soo saartay.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here