Dowladda Iiraan oo looga Digay in ay Hubeyso Xuuthiyiinta Dalka Yemen

0
806

Washington, (HargeisaPress) —  Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, John Kerry ayaa uga digay dowladda Iiraan inay wax taageero ah u fidiso dagaal-yahannada ka dhanka ah xukuumadda Yemen ee Xuuthiyiinta.

Wareysi uu siiyay telefishin ku yaalla Mareykanka ayuu Kerry ku sheegay in Mareykanka uu taageero u fidinayo dal kasta oo ku yaalla bariga dhexe oo dareemaya in Iiraan ay cabsi-gelinayso.

Dowladda Iiraan ayaa Arbacadii labo markab u dirtay dekedda Magaalada Cadan si ay u taageeraan fallaagada oo loolan ugu jira sidii ay u qabsan lahaayeen maamulka Cadan oo ku taalla Koonfurta Yemen.

Toddobaadkii lasoo dhaafay ayaa Xuuthiyiinta oo sida Iraaniyiinta oo kale ah Shiico ayaa qabsaday dhul aad u ballaadhan oo ka tirsan dalka Yemen, kuwaa oo ay ku jirto magaalada Cadan.

Xukuumadda Washington ayaa taageerayay xulufada weerarrada ku haysa Xuuthiyiinta Yemen ee uu hoggaaminayo Saudi Arabia, kuwaasoo duqeymo ka geystay saldhigyada Xuutiyiinta.

 

HargeisaPress News Desk — Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here