Dowladda Hoose Ee Hargeysa oo Xidhay Gaadhigii Agaasimaha Madaxtooyada

0
1409

Hargeysa (Hargeisa Press) – Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa, ayaa saaka shaacisay inay xidhay Gaadhiga Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bile.

Dowladda Hoose, ayaa sababta ay u xidhay Gaadhiga Agaasimaha Guud ku sheegtay in kadib markii la saaray goob qaldan oo wadada dhinaceeda ah isla markaana loogu tallo galay inay dadku maraan.

Waxaanay sidoo kale Dowladda Hoose ee Caasimadda Hargeysa sheegtay in ay Ganaax Lacageed dul-dhigtay Gaadhiga Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland Maxamed Cali Bille.

Dowladda hoose ee caasimadda Hargeysa, ayaa sheegtay in goobta uu Gaadhiga dhigtay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Somaliland aan loo samayn baabuurta, isla-markaana aan ahayn goobo Gawaadhida la dhigto.

Waxaa aanay sheegtay in arrintan uu ku kacay Agaasimaha Guud tahay arrin uu ku mutaystay ganaax adag iyo Xadhig, maadaama uu Gaadhigiisu dusha uga baxay goobihii loogu talo-galay in ay dadku maraan.

Ugu dambeyn Dowladda Hoose ee Hargeysa, ayaa waxaa ay digniin culus u dirtay Darawalada Gaadiidka, iyadoona uga digtay inay ka feejignaadaan arrimaha noocan oo kale ah, oo ay ku mutaysan karaan ganaax iyo ciqaab xadhig ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here