Dowlad Deegaanka Soomaalida oo 50-kun oo Geed Ugu Deeqday Somaliland

0
1570

Jigjiga (Hargeisa Press) –Dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Ethiopia, ayaa maanta 50-kun oo Geed ugu deeqday Somaliland, waxaanay dhirtani qayb laxaad leh ka qaadan doontaa Dhiraynta magaalooyinka dalka.

Waxaana deeqdan ka guddoomay safiir ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Ethiopia oo maalmihii u dambeeyey socdaal shaqo ku joogay magaalada Jigjiga.

Safiir ku xigeenka Safaaradda Somaliland ku leedahay dalka Ethiopia Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa deeqdan kula wareegay munaasibad ay goob-joog ka ahaayeen Wasiirrada Deegaanka iyo Beeraha ee dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye, waxa uu deeqdan uga mahad-celiyey madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar iyo xukuumaddiisa.

Deeqda dhirta aha, ayaa waxaa ay  hordhac u tahay qaybo kale oo Deeq-dhireed ah, sida uu sheegay Safiir ku xigeenka Somaliland ee Ethiopia oo qoraal uu Deeqdan kaga hadlay ku baahiyay bartiisa Facebook.

“Waxa farxad ii ah in maanta 50-kun oo geed aan ka guddoomo xukuumadda Dawlad-Deegaanka Soomaalida. Dhirtan oo loogu talogalay dhireynta magaalooyinka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana deeq-dhireed kale bilowgeed ah, waxa farxad kale ii ah in JSL ay noqoto dalkii u horreeyay ee deeqdani gaadho waddamada jaarka la ah Itoobiya,” ayuu yidhi Danjire Barkhad Maxamuud Kaariye.

Waxa uu intaas ku daray, “Waxaan u mahadnaqayaa Madaxweynaha DDS Md. Mustafe Muxumed Cumar iyo guud ahaan xukuumaddiisa, gaar ahaan Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Md. Maxamed Yuusuf Rooble, Wasiirka Deegaanka, Kaymaha iyo Isbeddelka Cimilada Md Xasan Faarax Cali, Wasiirka Beeraha Dr. Cabdiqaadir Iimaan, Wasiir-ku-xigeenka Beeraha Dr Mubarak Sh. Cumar iyo dhammaan masuuliyiinta munaadibadda la-wareegidda deeqda dhirta ah goobjoogga ka ahaa. Deeqdani waxay kaalin mug leh ka qaadanaysaa dhireynta JSL.”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here