Doorashooyin Iska Soo Horjeeday Oo Maanta Ka Dhacay Kismaayo

0
637

Kismaayo (Hargeisa Press.com): Laba doorasho oo iska soo hor jeedda oo lagu kala doortay laba madaxweyne ayaa maanta gelinkii hore ka dhacay magaaladda Kismaayo ee xarunta ku meel gaadhka ah ee maamul goboleedka Jubaland.

Doorashadda hore waxaa madaxweynaha cusub ee maamul goboleedka Jubaland mar kale loo doortay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Sidoo kale doorasho ay isla maanta Kismaayo ku qabsadeen kooxaha siyaasiyiinta mucaaradka ka soo hor jeedda Axmed Madoobe ee qaadacay doorashadda Madoobe, ayaa madaxweyne iyo ku xigeen doortay.

Waxanay madaxweyne u doorteen C/rashiid Maxamed Xidig, oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya. Halka madaxweyne ku xigeena loo doortay Afey.

Doorashadda Axmed Madoobe, wuxuu ku soo baxay wareegii koowaad. Iyadoo ay la tartamayeen laba musharax oo kale oo midkood dumar ahayd.

Codayntii doorashadda waxaa ka qayb galay 74 xildhibaan Axmed Madoobe, wuxuu helay 56 xildhibaan. Halkan musharaxa labaad oo ahayd Canab Maxamed Daahir, oo ahayd gabadha ku soo xigtay ay heshay 17 cod.

Musharaxa saddexaad oo ahaa Maxamed Muxumed, ayaa isna helay hal cod. Sidaas ayaanu Axmed Madoobe kaga guulaystay labaddii musharax ee la tartamayay.

Kadib markii ay dhamaatay codaynta ayaa isla goobta lagu dhaariyay madaxweynaha cusub ee Jubaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe), afarta sanadood ee soo socda.

Khudbad uu jeediyay kadib markii la dhaariyay waxa uu kaga hadlay arrimo la xidhiidha amaanka, sidii dadka loo midayn lahaa iyo sidoo kale khilaafka u dhexeeya maamulkiisa iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Iyadoo dawladda federaalku hore u sheegtay in aanay aqoonsan doonin natiijo kasta oo ka soo baxda doorashadda Jubaland.

Wuxuu sheegay in uu si dhaw ula shaqayn doona madaxda federaalka. Waxaanu yidhi “Madaxda dawladda federaalka Soomaaliya waxaanu doonaynaa in aanu si dhaw ula shaqayno. Kana wada tashano dantayaddda iyo sidii aanu hore ugu socon lahayn. Iyadoo aan cidi noo dhaxaynin.

Waxaanan leeyahay soo dhawaadda, madaxdayadii ayaad tihiin, waa dalkii aad xukumayseen, meel kale idinkama jirto. Wixii inaga dhexdeena ka jiraa, inaga ayuu inoo dhexeeyaa. Amarr-na meelo kale lagama soo bixin karo, cid kale-na wax nooma yeedhin karto.

dawladda federaalka Soomaaliya waa dawladda maamulaysa jamhuuriyadda Soomaaliya. Ma nihin qolo gooni isku taagtay, oo madax banaan oo wax kale sheeganaysa. Waxaan nahay dawlad goboleed ka tirsan dawladda federaalka Soomaaliya”.

Waxa kaloo uu sheegay in uu diyaar u yahay wada shaqayn fiican oo  dhex marta dawladda federaalka ah, isla markaana ay yimaadaan Kismaayo. Waxaanu yidhi “Waxaanu diyaar u nahay in aanu didiin aqoonsan nahay in aad tihiin masuuliyiintayadii.

Weliba waxaan rejaynayaa madaxweynaha iyo raysal wasaaraha iyo goleyaasha baarlamaanka federaalka wakiiladoodii baa joogee, in ay dhawaan noo yimaadaan.

Waxaan doonayaa in aanu si dhaw u wada shaqayno madaxda dawladda federaalka. Kana wada tashano sidii aanu horumar u heli lahayn.

Waxaan u sheegayaa madaxda dawladda federaalka, waxaan idiin aqoon sanahay in aad tihiin madaxdayadii”.

Axmed Madoobe, ayaa ugu baaqay bulshadda in la midoobo, waxa keliya ee horumar lagu gaadhi karaana uu yahay midnimo loo dhan yahay.

“Midnimadda Soomaaliya waa muqadas. Soomaaliya Soomaali baa iska leh, waxa taladeedu ka dhaxaysaana waa iyaga. Inagu aynu ka shaqayno midnimadeena” ayuu yidhi Axmed Madoobe.

Caqabadda ugu weyn ee xiligan ka jirta Soomaaliya ayuu ku sheegay Al-shabaab, isla markaana loo midoobo sidii dalka looga xorayn lahaa.

Waxaanu intaas raaciyay in loo laga wada shaqeeyo ilaalinta amniga. Waxaanu yidhi “Haddii aan amni jirin, nololi ma jirayso. Markaa waxaa loo baahan yahay in aan ka wada shaqayno amaanka”.

Geesta kale doorashadan maanta ka dhacday Jubaland ee mar kale dib loogu doortay madaxweyne Axmed Maxamed Islaan, ayay hore u sheegtay dawladda federaalka Soomaaliya in aanay marnaba aqoon sanayn.

Sidoo kale-na arrinta doorashadda Jubaland ayaa khilaaf ka dhex abuurtay dawladaha gobolka Geeska Afrika iyo wadamadda Carabta. Waxaana la sheegay in dib u doorashadda Axmed Madoobe ay dabadda ka riixaysay dawladda Kenya.

Mar uu ka hadlayay la shaqaynta dalalka deriska ah, waxa uu yidhi “Waxaanu doonaynaa in aanu kala shaqayno dalalka deriska ah iyo ciidamadeena iyo cid kastoo ku hawl in amniga wax laga qabto.

In aan kala shaqayno deris wanaag, in aan kala shaqayno sidaan u horumarin lahayn amniga, isagana kaashan lahayn la dagaalanka Alshabaab.

Dhinaca kale dalalka beesha caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa iyag-na todobaadkan soo saaray qoraal ay ku sheegeen in aanay la shaqayn doonin maamulka Jubaland haddii mar kale madaxweyne loo doorto Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Hase yeeshee Axmed Madoobe, ayaa khudbadiisii maanta ku soo qaaday doorka beesha caalamka ee Soomaaliya, kaasoo uu ku sheegay in uu yahay mid fududayn oo keliya ah.

Wuxuu ku andacooday in cida keliya ee Soomaaliya wax ka qaban kartaa ay tahay Soomaalida. Waxaanu yidhi “Soomaaliya waxaa wax ka qaban kara, oo tashan kara oo wax is waydiin kara, oo wax isla sixi kara, waa Soomaalida”.

 

By: Khadar Cabdi Muuse

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here