Muqdisho: Taliyeyaashii Booliska Asluubta iyo Milateriga Oo Xilalkii Laga Qaaday

0
591

Muqdisho (Hargeisa Press.com): Taliyeyaashii ciidamadda booliska, milateriga iyo asluubta ee dawladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilalkii laga qaaday.

Kadib shir ay maanta magaaladda Muqdisho ku yeesheen golaha wasiirrada ee Soomaaliya ayaa shaqadda lagaga eryay saddex taliye oo ka mid ahaa taliyeyaasha qaybaha kala duwan ee ciidamadda Soomaaliya.

Taliyeyaasha xilalka laga qaaday waxaa ka mid ah taliyihii ciidamadda milateriga Gen. Daahir Aadan Cilmi (Indho-qarshe). Sidoo kale waxaa shaqadda laga eryay taliyihii ciidanka asluubta  Bashiir Goobe, iyo  taliyihii ciidamadda booliska.

Waxaana isla maanta la magacaabay xubnihii bedeli lahaa talieyaasha xilalka laga eryay. Iyadoo la magacaabay taliyeyaasha afarta ciidan ee kala duwan ee ay leedahay dawladda federaalka Soomaaliya.

Taliyaha ciidamadda milateriga Soomaaliya waxaa loo magacaabay sareeye guuto Yuusuf Raage, oo markii hore ahaa taliyaha ciidamadda Lugta ee Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa taliyaha ciidanka booliska loo magacaabay sareeye gaas Cabdi Xasan Maxamed, oo loo yaqaano (Xajaar).

Waxa kaloo loo taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya loo  general C/raxmaan Aadan.

Geesta kale taliye ku xigeenkii ciidanka sirdoonta Soomaaliya Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, ayaa loo dalacsiiyay taliyaha ciidamada hay’adda sirdoonka qaranka ee NISA.

Fahad Yaasiin, ayaa muddo badan ku simaha taliyaha iyo taliye ku xigeenkaba ka ahaa hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya.

Kadib markii uu taliyihii hore ee hay’adda NISA iska casilay xilkaasi muddo sanad ku dhaw ka hor.

Dhinaca kale waxaan ilaa hadda si cad loo ogayn sababta keentay wakhtigan in xilalka laga qaado taliyeyaasha ciidamadda milateriga, booliska iyo asluubta Soomaaliya.

Xili muddooyinkan danbe ay sii xoogaysanayeen dagaalladda ay dawladu kula jirto Alshabaab.

 

Hargeisa Press.com/Hargaysa Office.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here