Diyaaradaha Israel oo Markale Duqeeyay Marinka Gaza

0
626

Gaza (Hargeisa Press) – Ciidamada Israel, ayaa Sabtidii nin Falastiini ah ku dilay Daanta Galbeed, kaddibna diyaaradaha dagaalka ee Israel ayaa weeraray bartilmaameedyo milateri oo ku yaal marinka Gaza, sidaasina waxaa sheegay ciidamada iyo ilo wareedyo Falastiiniyiin ah.

Waxay dhacdadan noqoneysaa tii ugu danbeysay tan iyo bishii May oo Israel iyo Xamaas ay oggolaadeen xabbad-joojin.

Ciidamada Israel, ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeeyeen goob hubka lagu farsameeyo, lagana rido gantaalaha oo ay leedahay waxa ay ugu yeedheen ururka argixisada ah ee Xamaas oo maamusha Gaza.

Sida ay sheegayaan saraakiisha amniga iyo dad goobjoogeyaal ah, goobaha la duqeeyay, ayaa ku yaalla galbeedka magaalada Gaza iyo dhanka koonfureed ee Marinka, mana jirto wax war ah oo sheegaya haddii uu khasaare nafeed ka dhashay.

11 cisho oo uu dagaal ka dhex socday Israeli iyo Xamaas, ayaa xabad joojin lagu soo afjaray 21-kii bishii May.

Dagaalkaasi, ayaa waxaa ku dhintay 260 Falastiiniyiin ah, oo ay ku jireen dagaalyahanno, sida ay ku warrameen maamulka Gaza.

Sidoo kale, 13 qof oo Israa’iiliyiin ah oo uu ku jiray askari, ayaa ku dhintay gantaalo ay Xamaas ka tuurtay Gaza oo haleelay gudaha Israel sida ay xaqiijiyeen booliiska iyo ciidamada Israel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here