Biyo La,aan balaadhan Oo Soo Foodsaartay Shacabka Hargeysa iyo iska dhago tirka Xukuumada Siilaanyo + SAWIRRO

0
910

Hargeysa, (HargeisaPress) β€” Magaalada Hargeysa oo markii horeba aan biyo ku filan heli jiran ayaa 3dii bilood ee u danbeeyay maalinba maalinta ka danbaysa ay biyahu sii yaraanayaan iyadoo ilaa hadana cid xukuumada dhexe ka tirsan oo ka hadashay aanay jirin.Β Β  Waxa jira wasiirka biyaha ilaa hadana maalin qudha kamuu hadlin sababaha sanadkan biyo yaraanta baahsan keenay.Β Β  Iyadoo la ogyahay in roobabku aad hargeysa ugu da,ayeen Hargeysa iyo Nawaaxigeedaba ama goobaha biyahu ka yimadaan ee Geed deeble, hadan ilaa hada cid ka hadashay ma jirto sababta rasmiga ah ee keentay biyo yaraanta inay tahay cilad soo wajahday mishiinadii iyo inay tahay farsamo xumo xaga shaqaalaha qaabilsan biyo qaybinta magaalada oo mudaba dadku ka qaylinayeen inay biyaha xaafadaha ku suququliyaan hadaan xaqalshaaha xaafadahu iska ururin.

Magaalada Hargeysa ayaa xaafadaha intooda badani biyo helaan 4tii habeenba hal habeen, hase yeeshee imika biyaha iyagoo soo dhacay 2da habeenimo ilaa iyo 5ta subaxnimo hadana aan la helaynin biyo ka badan 5 foosto ugu badnaan.

biyo la

Dhinaca kale daanta kale ee magaalada Hargeysa ee Dunbuluq ayaan iyadu habayaraatee wax biyo ah ba aanay gaadhin mudo dheer.

Si kastaba ha ahaatee waxaad moodaa tan iyo intii ay dalka soo gaadheen dhuumaha biyo balaadhinta Hargeysa in intii yarayd ee la heli jirayna ay gababsi sii gashay.

Dadka dhibta ugu badan la soo darsaa waa dadka danyarta ah ee aan awoodi Karin inay iibsadaan markay biyahu qaaliyoobaan iyadoo hada booyadaha qaarkood foostadii biyaha ahayd ka dhigay 20 kun oo shilling ka Somaliland ah waa lacag ah ilaa $3 foostadii, halkuu ka haaa 7 ilaa 8 Kun shilling ka Somaliland.

Hadaba Cabashada ugu badan ee ay shacabka ku dhaqan Magaalada Hargeysa ay qabaan ayaa ah biyaha, marka laga yimaado baahiyaadka aas-aasiga ah oo laftoodu sagxada yaala.

 

HargeisaPress News Desk β€” Hargeysa
hargeisapress@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here