Digtoor Soomaali ah oo Faahfaahin ka Bixiyey Xannuunada Ugu Badan ee ay Soomaalidu u Tagaan Turkiga si Looga Daaweeyo

0
850
Somli Dr. Muhammed Ahmed ( Esra Hacioglu - AA )

ANKARA,(HargeisaPress/VOA)—Dr. Maxamed Axmed Maxamed oo ah digtoor Soomaali ah oo ka hawlgala cusbitaal ku yaal magaalada Ankara ee dalka Turkiga, ayaa ka xog-waramay dareenka ay bulshada Turkida ah ka qaataan marka uu la kulmo ama uu daawaynta u samaynayo.

Dr. Maxamed Axmed oo waraysi siiyey Idaacadda VOA Somali toddobaadkan, waxa kaloo uu faahfaahin ka bixiyey noocyada daawaynta kala duwan ee ay dadka Soomaalida ah u doontaan cusbitaallada ku yaal dalka Turkiga, isagoo ugu horayn ka hadlay waxbarashadiisa dhinaca caafimaadka iyo sida ay ugu suurtogashay inuu shaqo ka bilaabo cusbitaal Turkiga ah.

“Anigu hore ayaan u diyaariyey cilmiga dhakhtarnimada, balse sannadkii 2013-kii ayey ahayd markii aan dalka Turkiga u imid in aan diyaariyo qaybta labaad oo aan sii kordhisto caafimaadka, markaa kolayba dedaal badan iyo marka laga yimaad imtixaanno badan oo ay dib kaaga qaadayaan aqoontii hore ee aad ku soo qaadatay Soomaaliya, waxa ii suurtogashay in aan markaa ku guulaysto in aan tago Jaamacadda ku taal gobolka dalxiiska loo tago ee Antaliya, waxaanan ka diyaariyey aqoonta qalliinka guud (Genetal Surgery) oo aan hadda ku shaqeeyo, isla markaana qaybta kelyo-beddelka (transplantation) oo aan ku hawlannahay,” ayuu yidhi Dr. Maxamed Axmed.

Halkan ka daawo Wareysi ay Idaacada Qaranka Turkiga TRT la yeelatay Dr. Maxamed Axmed

Waxaannu intaas ku daray; “Markii aan dabayaaqada sannadkii 2016-ka aan gudbiyey buuggii heerka sare ee caafimaadka, waxa ay isla markiiba dowladda iyo cusbitaallada gaarka ahiba ay kuu soo gudbinayaan codsi ah in aad la shaqayso, markaa waxa aan shaqo ka bilaabay cusbitaallada gaarka loo leeyahay (private), haddana waxa aan joogaa cusbitaalka la yidhaahdo Medical Park Hospital oo ah ka ugu weyn cusbitaallada gaarka ah ee dalka Turkiga oo ku yaal magaalada Ankara oo aan ka shaqeeyo.”

Dr. Maxamed Axmed oo la weydiiyey su’aal ahayd; ‘Waxa aynu ognahay in dhakhaatiirta madawga ah ee ka soo jeeda qaaradda Afrika ay ku yar yihiin dalka Turkiga, markaa Dr. Maxamed, marka bal ka waran marka aad caawinayso dadka bukaanka ah ee Turkiga ah ee aad luqaddooda kula hadasho adiga oo ah Dhakhtar Soomaali ah, bukaannadaaduna ay yihiin Turki sidee ayey u arkaan? Waxa uu ku jawaabay; “Kolayba dadka Turkida ah waa dad soo dhawayn leh oo marka ay kugu arkaan Cusbitaalka adiga oo shaadhkii cadda xidhan, isla markaana ka duwan dhakhaatiirtii kale ee caddaanka ahaa aad ayey indhahooda u soo jiidanaysaa, isla markiibana waxay ku weydiinayaan; ‘waddankee ayaad ka timid? Kolayba jawaabta u horaysa ee aad siinayso waxay noqonaysaa; ‘waxa aan ka imid waddanka Soomaaliya.’ Aad iyo aad ayey hawshaas u jeclaystaan oo waxay u dareemaan kalsooni gaar ah oo aanay waxkasta oo ay rabaan oo cabashadooda ah ay kuu sheeganayaan oo mararka qaarkood waxa dhacda in dhakhtarta Turkiga ah inta ay ka soo leexdaan ay aniga si gaar ah cabashadooda gaarka ah iigu sheegtaan, aniguna in aan habka ugu wanaagsan ee markaa aan u dawayn karo ama aan wax uga qaybqaadan karo aan hawshaas u galo oo haddii aanan dhakhtar ahaan waxba u qaban karina aan dhakhtarta qaybtaas takhasuska ku leh aan ku hagaajiyo, una gudbiyo, taasoo ay aad u jeclaadaan. Cusbitaalka waxa la ururiyaa Questionnaire (su’aallo macluumaad ururin ah) oo marka aad xogta macluumaadkaas eegto dhakhtarada ugu fiican ee marka qofka bukaanka ah la weydiiyo; ‘ma ku faraxsan tahay dhakhtarkii kuu shaqeeyey? Dhibcaha (points) ay i siiyaan aad ayuu u sareeyaa, taasina waxay soo jiidatay warbaahin badan oo dalka Turkiga ah iyo wargeysyada ugu caansan waddanka Turkiga oo arrintayda warbixinno dhaadheer ka qoray.”

Waxa kaloo la weydiiyey su’aal ahayd; “Waxa ku waraysatay wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu Agency, maqaalkii ay kaa qoreenna waan akhristay, markaa maxay tahay sababta ay kuu soo raadsadeen? Waxa uu ku jawaabay; “Kolayba caafimaadku waad ogtahay oo waxa uu ku xidhan yahay qofka bukaanka ah iyo dhakhtarka kalsoonida ka dhexaysa iyo isku-xidhnaantooda, markaa dad badan oo Turki ah oo aynu sabab u noqonnay caafimaadkooda awgood ayaa waxa uu keenay inay aad innooga hadal hayaan meelaha ay bulshada Turkigu isugu timaado oo ah inay yidhaahdaah; ‘dhakhtar Soomaali ah oo cusbitaalkaas ka hawlgala aad ayuu u fiican yahay.’ Taasi waxay markaa keentay inay soo jiidato indhaha dad badan. Waxa kaloo iyaduna jirta dowladda dalka Turkiga oo hadda rabta inay ka dhaadhiciso Turkida waddanka u dhalatay in dadka ajnabiga ah ee waddanka yimid aanay wax dhibaato ah u lahayn oo marka aad eegto dhinacyo badan oo bulshada ah ay waddanka faa’iido u leeyihiin oo ay markaa ay dadka ajnabiga ahaa ay wanaag badan u keeneen Turkidii oo markaa ay caafimaad ahaan ama dhaqaale ahaan ay ka faa’iideen, arrinkaasina waxa uu keenay in dowladdu ay markaa dadka ajnabiga ah ee waddankooda jooga ee ka dhex muuqda bulshada inay si gaar ah uga sameeyeen barnaamiyo gaar ah.”

Dr. Maxamed Axmed oo weriyaha VOA-du weydiiyey su’aal kale oo ahayd inuu ka waramo bukaanka Soomaalida ah ee caafimaadka u doonta dalka Turkiga oo sannadihii u dambeeyey soo badanayey iyo nooca bukaanada ugu badan ee hadda taga Turkiga, waxa uu ku jawaabay; “Bukaanada hadda ugu badan ee caafimaad ahaan u yimaada waddanka Turkiga waa waxan la yidhaahdo daawaynta saddexaad, sida qalliimada waaweyn, sida kelyo-beddelka oo waxyaabaha kale ee ay dadkeennu u yimaadaan waddankan Turkiga waxa ka mid ah xannuunada ku dhaca wadnaha, sida xididada wadnaha ee la furayo, qallinada maskaxda ama neerfayaasha. Waxa kaloo sannadahan soo badanayey hawlaha la xidhiidha ilmo-beerista ama xaga dhalmada, waxyaabaha kale ee ay dadka Soomaalida ah u yimaadaan Turkiga waxa ka mid ah oo hadda soo badanaya noocyada kala duwan ee kansarka, siiba kuwa ku dhaca caloosha.”

HargeisaPress News Desk — ISTANBUL

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here